Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXVII) 67aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Cadow
Maxamed Cuthmaan Jawaari, wuxuu ka odeyeeyay wax kasta oo intii uu Xasan Shikh Max’ud madax-weynaha dalkaas ka dhacay oo dhibaata ahayd, wuxuuna u istaagay ilaalinta  madax-weyne Xasan si qaynuun ah iyo si aan qaynuun ahaynba. Jawaari wuxuu ahaa nin waayo arag ahmuddo ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, Xasan iyo Xil-DHibaannadaba wax u kordhin karayay, run ahaantiina markii uu jagada Af-Hayeenka u tartamayay ayaa  waxaa loo arkayay inuu isagu yahay ninka ugu haboon ee xilkaas qaban kara ragga tartamaya, marka laga eego waayo aragnimmada dheer ee  uu u leeyahay xafiis siyaasadeed ee heerkaas ah , waayo Max’ed Cuthmaan Jawaari wuxuu horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan ilaa heer waziir, xoghye joogto, iyo agaasime guud, sidaa daraadeed waxaad garan karaysaa Jawaari gabood-falka uu awoodda golaha ku sameeyay ianysan ahayn mid ka timid aqoon-yari ama waayo aragnimo  la’aan hasa yeeshee ay ahayd mid ujeeddo ka dambayso.

 

SHaxda uu Jawaari ciyaarayay waxay ahayd mid qorshaysan oo si dhib yar looga garan karayay in isagoo ah codkii dad-weynaha ah uu marar dhif ah mooyee uusan ka soo muuqan meelo badan oo ahayd inuu ka muuqdo, marka aad fiirisid kaalintii uu ka ciyaaray khilaafkii iyo murankii soo dhex galay ra’iisal wazaarihii hore Cabdi-Wali SHiikh Axmed iyo madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud, dhowr jeer buu sababo aan la cadayn dib ugu dhigay in la qaado mooshinkii ra’isal wazaaraha laga keenay iyadoosida la sheegay sababta uu Jawaari dib ugu dhigayay ay ahayd in tiradii cododkii la rabay in ra’iisal wazaaraha lagu rido soo dhamays tirmi waysay, sidaas aawgeedna mar kastana si ula kac ah dib u dhac inuu yimaado looga shaqayniyay ilaa ay codadkii soo dhamays-tirmeen, sidaasna lagu riday ra’iisal wazaare cabdi-wali Shiikh axmed……

 

Waxaa arrin dadka amakaag ku noqotay ahayd in xil-dhibaano kale iyo isaga ay isku dayeen sidii loo sharciyeyn lahaa in jinsiyadda Soomaaliya la siiyo aajnabaiga dalka muddo soo joogay ama ku dhashay!…waxa la yaab leh waxa xasuusiyay iyo xanuunka ay ku hayso in jinsaiyadda Soomaaliyeed dadka aajnabiga ah la siiyo oo aysan xanuun ugu hayn in aajnabiga dalka sharci darrada ku soo galay intaycolaadaha jireen dalka laga saaro!!….waajibaadkii ka horeeyay oo dhan mid keliya lagama soo qaadin, waxay ahayd; in barlamanka uu soo diyaariyo sidii uu dalka ku gaari lahaa doorasho nin iyo cod ah inta xilligooda uusan dhammaan….waxay ahayd in dastuurkii la diyaariyay ee ammaanada ku ahaa ay dad-weynaha Soomaaliyeed u soo ban-dhigaan una diyaariyaan sidii loogu codeyn lahaa…..waxaana qof kasta ka dheregsanyahay in Jawaari uu sax iyo khaladba Xasan SHiikh kula socday waxa uu yahay; hadday ahayd ra’iisal wazaare la riday, haddii ay ahayd maamulgoboleed la dagaalayo oo la diidayo inuu dhismo,…..

Xasan SHiikh Max’ud, 6 tiir uu la yimid waxaa ay noqdeen inuu dagaalo ku qaaday gobolka SHabeelaha –Hoose, isla markaasna aysan jirin wax kala hadlay, Jawaari uu ahaa guddoomiyaha barlamanka niman reer SHabeelaha-Hoose ah waxayinay dhowr jeer hor dhigeen arrinta colaadihii ka socday SHabeelaha –Hoose laakiin uu iska dhego tiray, waxaase iyadana iin kale oo weyn ahayd in wakiilladii ka socday gobolkaas aysan ka hadlin arrimahaaas, golaha oo dhanna uusan hal mar oo keliya soo hadal qaadin arrintaas?!… SHaki kuma jiro inay wax khaldameen, laakiin maxaa khaldamayna?!…..mid waa hubaal in xil-dhibaannadu ay dilayeen noocyo kala duwan oo Al-SHabaab ah oo ay qabeen cabsi aad u weyn, midna waa hubaal oo in sir-doonka shisheeyaha ah uu dad badan oo wax ku ool ahaa ama xil-dhibaano ha ahaadaan ama siyaasiyiin kale ha ahaadaanee dilay,  xil-dhibaannadana inay cabsadeen waa shaki la’aan…..

 

Waxyaabo badan oo ah dhibaatooyinka siyaasiyiinteena loo geysto, haddii ay tahay in la dilo, haddii ay tahay in loo cag jugleeyo si ay dadlka uga caraan, waxaa la moodaa inay yihiin arrin qandaraas (Contaract) lagu kala qaatay, xil-dhibaan baa la dilayaa,  siayaasi baa la dialyaa,waxuba waxay si sahlan ugu soo dhamaanayaan Al-SHabaab baa dishay, waa wax dhici kara inay dileen, laakiin haddii ay doontana been noqon kara. Maxaa diiday in guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socda barlamanka uu tago gobollada dhibaatadu ka jirto oo had iyo goor eeddeeya madax-weynaha, Jawaari ma garan waayin taas….Beled-Weyne, DHuuso-Ma-Reeb, Marka…..

 

Xasan SHiikh Max’ud, muddadii uu xilka hayay wuxuu aad ugu lab-laabtay dalka Ingiriiska, waxaynu ognahay inuusan ahayn wax qarsoon David Cameron iyo Xasan SHiikh, muddada uu joogo Xasan waxaa shaki la’aan ah inuu waxyaabo badan saxiixay oo aysan jirin wax ay kala socdaan xil-dhibaannada Barlamnka inoo jooga, waxaan shaki ku jirin in Xasan iyo Jawaari wax badan isku ogyihiin oo ay ku soo wada socdeen, aaway Xil-DHibaannadii?!… Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!

Beri la soco….

PUNTLAND POST