Real Madrid oo ku Guulaysatay Koobka Uefa Super Cup-ka

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaysatay koobka UEFA Super Cup-ka kadib markii ay waqtiga dheeriga ahaa ku garaacday toban ciyaartoy oo Sevilla ah, Real Madrid ayaa markii saddexaad ku guulaysatay koobka UEFA Super Cup-ka.

Marco Asensio, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay guushan gaadho waxayna guushan gaadhay dhamaadkii 120 daqiiqo oo kulankan la ciyaaray.

Kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ayaa ku tartamayay koobka UEFA Super Cupka ee ay sanadkasta wada ciyaaraan kooxaha ku soo kala guulaysta Champions Leaque-ga iyo Europa Leaque-ga. Waa sanadkii saddexaad oo ay laba kooxood oo reer Spain ahi ku tartameen finalka UEFA Super Cupka.

PUNTLAND POST