Real Madrid iyo Sevilla oo ku Balansan Finalka UEFA Super Cup-ka

Kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ayaa caawa isaga hor iman doona Trondhein iyadoo la xasuusto in labadaan kooxood ay ku kulmeen finalkii UEFA Super Cup ee 2014 ka dhacay Cardiff markaas oo ay Madrid ku guulaysatay Koobkaas.

Sevilla kama baaqan iney sadexii sano ee ugu dambeysay soo tiigsato Finalka tartankaan madama ay si xiriir ah ugu guuleysatay koobka UEFA Super Cup.

Jorgen Sampaoli ayaa kulankiisii ugu horeeyay oo tartan caalami ah hogaamin doona Sevilla iyadoo Unai Emery uu u guuray Paris Saint Germain, sidoo kale Zidane ayaa rajeynaya inuu noqdo shaqsigii shanaad ee isagoo ciyaartoy ah iyo isagoo tababare ah ku guuleysta koobka UEFA Super Cup.

Kooxda Sevilla ayaa waxaa ka maqnaan doona sadex ka mid ah ciyaartoydii ugu muhiimsaaa sanadkii hore oo kala ah, Krychowiak, Gameiro Iyo Banega kuwaas oo kooxda isaga tagay.

Dhanka kale Real Madrid ayaa caawa waxey weynysaa ciyaartoy badan oo ay ka mid yahiin Ronaldo, Kroos, Navas, Bale Iyo Pepe kuwaas oo laga reebay ciyaartoyda usoo duushay Norway.

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Sevilla

Tartanka: UEFA Super Cup (FINAL)

Garoonka: Lerkendal Stadion (Norway)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore: Milorad Mazic (Serbia)

 

LINE UPKA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Real Madrid (4-3-3): Casilla; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Isco, Modric; Morata, Vazquez, Benzema

Sevilla (4-3-3): Soria; Escudero, Kolodziejczak, Carrico, Pareja; Correa, Kranevitter, Iborra; Konoplyanka, Kiyotake, Yedder.

PUNTLAND POST