Xildhibaan DF oo Garowe ku casumay Xulka Kubadda Puntland

Xildhibaan Abshir Xasan Abshir ayaa maanta magaalada Garowe ugu sameeyey  dhalinyaro qado sharaf loogu magac darey isdhex galka bulshada iyo xoojinta nabada, waxaana kala soo qeyb galay dhalinyaro ay ka mid yihiin kooxda xulka ciyaartooyda Puntland ee dhawaan kusoo guulaysatey tartankii dowlad goboleedyada Somalia.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii kasoo qeyb gashay qado sharafta uu sameeyey Xildhibaan Abshir Xasan Abshir, Iyadoona uu uga mahad celiyey mudane tigaane xildhibaanka sida maamuuska leh ee caasumada ugu sameeyey dhalinyaro ay ka mid yihiin Xulka Kubbada Cagta Puntland.

Xildhibaan Abshir Xasan Abshir ayaa ku booriyey dhalinyarada xaflada kala soo qeybgashay inay sameeyaan is dhex gal bulsho, taas oo uu sheegey inay door muhiim ah ka ciyaareyso Nabad waarta oo ka dhalata dalka Somalia.

Waxa uu balan qaaday Mudane Abshir Xasan Abshir inuu ka qeyb qaadanayo sidii loogu dhisi lahaa dhalinyarada garoomo iyo xarumo ciyaareed oo ay ku madadaashaan.

Qado sharaftan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dhawaan kusoo laabteen magaalada garowe xulka kubbada cagta Puntland ka dib markii ay kusoo guulaysteen tartankii ciyaaraha maamul goboleedyada ee lagu qabtey Muqdisho.

IMG_9957

IMG_9891 IMG_9893 IMG_9897 IMG_9909 IMG_9913 IMG_9915 IMG_9922 IMG_9924 IMG_9927 IMG_9929 IMG_9935 IMG_9936  IMG_9960 IMG_9967 IMG_9968 IMG_9975 IMG_9978 IMG_9993 IMG_9994 IMG_9996  Abshir Xaaji Abdulaahi

Email:- Abshirdhiirane@gmail.com

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM