Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka oo Shahaado Sharaf guddoon-siisey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ku joogey muddo ka badan 20 cisho.

Shahaado sharaftaan ayaa la xiriirtey kadib markii uu Agaasimuhu soo dhammaystay hawlihii shaqo ee uu u tegey dalkaasi isla markaana uu  muujiyey firfircooni iyo hawl-karnimo dheeraad ah, isagoona ka soo qayb galay shirarkii xisbiyada dimuqraadiga iyo Republican-ka, si’ uu si  dhow wax uga ogaado  hannaanka doorashooyinka dalkaasi.

Agaasimuhu waxa uu ka mid ahaa labo qof oo  Qaaradda Afrika uga qayb geleyey barnaamij loogu  magac daray Hoggaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta da’da yar oo sannadkiiba mar lagu qabto waddanka Maraykanka, kuwaas oo loogu talo galay in ay aqoon iyo waayo aragnimo la xiriirta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalkaasi ay kasoo kororsadaan.

Sidoo kale Agaasimuhu muddadii uu ku sugnaa dalka Maraykanka waxa uu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin kala duwan oo xilal ka haya dalkaasi, waxaana uu u sharraxay qaabka ay doonayso dawladda Puntland in ay uga gudubto hannaankii hore ee wax lagu soo dooran jirey iyo taageerada ay beesha caalamka uga baahan tahay, iyadoona ay masuuliyiintaasi u ballan qaadeen in ay Puntland  ka caawin doonaan barnaamijyo badan oo dhaxal gal u ah shacabka reer Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND
13838136_1116215651776169_879131066_o 13840454_1116215341776200_1802341922_o 13866623_1116215625109505_1543958986_n (1) 13883902_1116215318442869_665173272_n 13898207_1116215395109528_1547649130_o 13898228_1116215451776189_1634034072_o 13902152_1116215381776196_848249796_o