Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L V) 55aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan.

Barde-Cad
Colonel. Gabre Ezaber, wuxuu soo fariistay  halistii, wadnihii ummadda, dhamaan dadka meesha jooga ama madaxda badankeed wuxuu la soo shaqeeyay xilli ay iyaga col ahaayeen oo ay is dagaalayeen, mid uu hub siiyo, mid uu dagaala la soo galay, in yar oo xil-dhibaannada ah mooyee inta magacyada huwan waa raggii uu hubka isugu soo dhiibi jiray iyag oo dhanna wuxuu u haystay inaysan waxba ka diidi karin oo uu abaal horay u soo gashtay!……waqiga markaas lagu jirana sidii hore waaba ka baahi badanyihiin oo ciidmmadii maxkamadaha baa meel kasta ka soo eryaday meel kastana ka soo hareereeyay!…..1999kii isagoo la socda ciidammadii RRA-da ee uu hoggaaminayay Col. Xasan Max’ed Nuur ayuu joogay magaallada Baydhabo, gobollada Gedo iyo Bakool ilaa iyo Hiiraan waxay ahaayeen meelihii uu xiilliyadii dagaallada uu ka odeyeynayay….

 

Gabre, way ku adkayd inuu fahmo meesha inay dowlad joogto, dadka meesha fadhiyaa gobol kasta raggii uu yaqaanay ee uu rasaasta iyo qoryaha u tiring jiray baa meesha fadhiya, oo xil-dhibaan noqday ama waziirrada ka mid ah, marka uma haysto inay dowlad yihiin ee wuxuu u haystaa kuwiisii uu yaqaanay, waan sabab ka mid ah sababaha meesha loogu dhiibay; nin bah dila, hadalka xun aan kala xishoon, qaynuun aan waxba ka aqoon, mar kastana maskaxdooda u diida inay halmaamaan jabhadnimmadii, Qabqablenimmadii….

 

Waxaa iyadana Saamaynteeda lahaa marka laga soo tago waayo aragnimo yarida, iyo aqoonta aysan dowladnimmada u lahayn xubno badan oo golayaasha dowladda ka mid ah, wali inaysan jirin cid heshiisay xubnaha ay dowladda ka koobantahay, oo aan laga wada hadlin dhibaatadii dhacday, taasoo ahayd arrin kale oo iyada si ogaan looga tegayay intii shirar Soomaalida loo qabanayay, waana arrin ay ku talo galeen dowladaha uu Gabre ka socdo ee soo dirsaday.

 

Qodobka  ah in Soomaalida wixii dhacay ay ka wada hadasho oo ay heshiis ka gaarto laguna caawiyo dad ku xeel dheer dib u heshiisiinta iyo wada hadalka, mar kasta  si ula kac ah baa looga tegayay oo shirarka looga reebayay, wuxuuna u rahmanaa sababo la ogyahay  inta ay dowladaha danaha ka leh Soomaaliya waxay doonaan ka samaysanayaan, inaysan  Soomaaliya wax dib-u-heshiisiin ah ka dhicin, waana shaki la’aan waligiis sidaas buu qodobka dib u heshiisiinta iyo in laga wada hadlo wixii dhacay dowladaha shisheeyaha ah rahmad ugu ahaanayaa, ilaa nidaamka nololeed iyo dhaqanka Soomaalida la bedelo, ilaa wax damiir leh oo waxa xun ka diira laga waayo, waxaana nasiib daro ah inaan ilaa iyo hadda marna aan la arag qof mas’uul ah, ama koox, culumo, wax-garad, iyo oday dhaqmeed, arrintaas isku dayay, waxaana jirta in dadka qaar ay la tahay in haddii arrintaas la soo hadal qaado ay dhibaato hor leh ka dhalan karto, waxaase taas ka xun dad wax kala tirsanaya oo aan ka wada hadli karin.

 

Waxaa arrin yaab leh ah in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ciidammadii shisheeye ee ammaanka dowladay sugayaan la yiri loo adeegsaday iyagii, siyaasiyiinta Soomaaliyeed ilaa iyo waqtigii la keenay ciidammada shisheeye waxay wali rumaysanyihiin in loo keenay inay ammaanka dowladda sugayaan, laakiin xaqiiqda waa mid iska muuqata madaxda iyo siyaasiyiinta dalkana ay ogyihiin, Col. Gabre Ezaber, wuxuu horsed ka noqday ciidammada kale ee Afrikaanka ahna baray inaan madaxda Soomaaliyeed loola dhaqmin sidii qof mas’uul ah, wuxuu baray in layska soo dhex fariisto oo aan loo oggolaan inay gaar u wada hadlaan ama u sheekeystaan…..

 

Col. Gabre Ezaber, dhaqankiisii caga juglaynta ahaa, waxaa garab socday dad badan oo la laayay oo aan ilaa iyo maanta aan la aqoon cidda dishay, waxay tani argagax ku noqotay xubnihii labada gole ee dowladda ku jiray, waxayna qasabtay in la waayo mas’uul ama siyaasi Soomaaliyeed ee dhihi kara Gabre innaga raali ahow ama ciidankaaga ku ekow, taasi marka waxay keentay in madaxdii ama mas’uuliyiintii dalka aysan yeelan wax sir ah, waxayna suuro gelisay in dhammaan saraakiisha ciidmmada loo keenay inay ammaanka sugaan ay iska soo fariistaan kulannadii dowladda dhexdeeda, ama ay waxay doonaan ku amraan madaxdii dalka, waxaa kaloo soo baxay dad aan dowladda xil u hayn nin kastana ka awood badan…..

 

Taariikhdeena sida laynoo khayaanay annagoo waliba ahayn dad maamul soo arkay, oo maamulkooda gaar u lahaa , oo nidaamkooda ha u xummaado, ha u fiicnaado gaar u lahaa, Yaa?! Soomaalida waa dad aan cidna shahaado uga baahnayn, waa dad waxna sameeyay, waxna samayn kara waxna samysan doona, laakiin hal mid baa ka maqan inay garatooo ah inay tahay Soomaali oo aan cid kale Soomaali la ahayn…..AMISOM!… oo Maxay tahay AMISOM?!…

Beri la soco….

PUNTLAND POPST