Faah Faahino ku saabsan qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho & Ciidamada Dowladda oo weerarkaasi soo Afjaray

Xarunta CID Ee Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa Maanta weerar xoogan ku qaaday dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab kuwaasi oo qaraxyo iyo weeraro ku galay xarunta CID ee Magaalada Muqdisho.

Kooxda Ayaa Qaraxa 1-aad ku dhuftay irada hore ee xarunta CID waxaana xigay weerar toos ah oo ay wada galeen kooxihii soo weeraray iyo ciidamada dowlada Somalia.

Waxaa la toogtay 3 kamid ah kooxihii soo weeraray xarunta waxaana ciidamada dowlada Somalia ay goordhow soo afjareen weerarkaasi.

Dhanka kale waxaa hadda caadi ku soo laabatay xaaladii halkii weerarku uu ka dhacay ee xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho.

inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku dhintay ku dhowaad 10 halka tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi iyaga oo sheegay in ay weerar ku galeen xarunta dambi baarista ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa geeystay weerarada ceenkaan oo kale ah oo ah kuwa qasaaro ay ka soo gaaraan dad rayid ah oo aan wax galabsan iyo askar katirsan ciidamada dowlda Somalia.

Xaalka 1 Xaalka 2 Xaalka 3Xaalka 4

Xaalka 5Xaalka 6

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho