DEG DEG: Weeraro iyo Qaraxyo ka socdo Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Weeraro isugu jiro qaraxyo iyo weerarao toos ah ayaa goordhow lagu qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da.

Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa lagu weeraray xarunta waxaana halkaasi hadda ka soconayo weeraro toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxihii soo weeraray.

Xarunta CID Ayaa ah Xarun muhiim ah oo la geeyo laguna baaro dadka ay ciidamada dowlada soo qabtaan oo looga shakiyo in ay katirsanyihiin Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda qasaaraha lama oga waxaana socda Weerarka oo waxaa la maqlayaa qaraxyo iyo dagaalo toos ah.

Al-Shabaab ayaa lagu yaqaanaa weerarada ceenkaan oo kale ah in ay ka geeystaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

13892074_1737456639861953_1288722692058839503_n

1

2

Faah Faahinta dib kal soco Insha allah.

Xafiiska Wararka Puntland Post Ee Muqdisho