Wasiirka Haweenka P/land oo booqaneysa Gobolka Gardafuu

Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Gardafuu Ka dib socdaal ay ugu kuurgalayso Xaalada iyo baahiyaha asaasiga u ah arrimaha bulshada.

Wasiir Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa lagu soo dhaweeyey magaalooyinka kala ah Baargaal, Taageer, Waadi-kheyr, Xoogaad, waxayna uga sii gudbi doonta magaalooyinka kala ah Bareedo , Caluula, Xaabo iyo Geesaleey.

Drs Aniso oo booqoshadii labaad ku maraysa Gobolka Gardafuu ayaa sida lagu wado socdaalkeeda hadda wuxuu qaadan doona muddo ka badan todobo cisho , Iyadoona  si dhab ah ugu kuurgali doonto baahida ka jirta Gobolka Sida Arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka iyo Amniga.

Wasiirka ayaa kulamo la qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiinta , Maamulada degmooyinka ,Gobolka, Haweenka iyo Caruurta , Sidoo kalena waxay  indho indheyn ku samaysay sida wax looga qabtey gurmadkii abaaraha iyo duufaano is xig xigey oo meelo ka mid ah gobolka ku dhuftey , halka ay kormeertey  xarumaha Booliska, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Bulshada ku nool Gobolka Gardafuu  ayaa codsi ugu jeediyey Drs Aniso Abdulqaadir inay dowladu ilgaar ah ku eegto baahiyaha ka jira Gobolka kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin wax ka qabashada jidadka .

Waftigu intii ay ku gudo jireen  socdaalkooda waxaa si weyn usoo jiitey kheyraadka dabiiciga ee uu leeyahay Gobolka Gardafuu sida beeraha, badda, maydiga IWM taas oo sida muuqata meesha ka saari lahayd  inta badan baahida Gobolka ka jirta haddii uu heli lahaa wadooyin ku xira magaalooyinka kale ee Puntland iyo Guud ahaan Somalia

DAAWO SAWIRADDA.

20160716_053343 20160716_053403(1) 20160716_053403 20160716_053527(1) 20160716_053527 20160716_053530 20160716_053534 20160716_053539 20160716_053802 - Copy - Copy 20160716_054922(1) - Copy - Copy 20160716_054952 - Copy - CopyAbshir Dhiirane

Puntlandpost Garowe