Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LIV) 54aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Demitien
Dowladdii Soomaaliyeed ciidamay dalbatay, waxaana ugu dambayntii laga gudbay diidmadii SHariif Xasan SHiikh Aadan, labo ama seddex maalmood ka dib markii Qabqablayaashii uu ilaalinayay ay ka adkaadeen Midowgii Maxaakimta islaamka. Waxay ahayd wax iska caadi ah in dal sida kan Soomaaliya u burburay ciidamo lagu kaalmeeyo ama ha dalbado ama ha laysu xil-qaamo, laakiin Soomaaliya arrinteedu iyo natiijada muuqata ma aha mid aan filaynay, ciidammada shisheeyaha ah annaga oo aan layna weydiin bay Soomaaliya joogeen Bad iyo Beriba waliba iyagoo noocyo kala duwan ah.

 

Xil-DHibaannada Soomaaliyeed waxay isku garaaceen kuraas iyagoo isku haysta in dalka ciidamo shisheeye la keeno iyo inaan la keenin, ama isku haysta ciidamo safka hore inaan la keeni karin iyo in la keeni karo, waxaana yaab lahaa ciidammada dalka Itoobiya mudoo toban sano ku dhowaad ah ka hor inay dalka Soomaaliyeed gudaha ugu jireen oo aan waligood lagala hadlain, waliba mararka qaarkood  gobollada ay ku marti qaadayaan dadka markay dowladdu dalbatay ciidmo shisheeye diidmada kala hor yimid……SHirkii Sodare 1996kii, markii uu socday iyadoo kooxihii Soomaaliyeed ay shir u fadhiyaan dalka Itoobiya ayeey ciidammada itoobiya xadka gobolka Gedo ka soo tallaabeen…wixii markaas ka dambeeyay ciidammada Itoobiya marna kama bixin ciidda Soomaaliya, waxayna ku baaheen dhammaan gobollada xuduudda labada dal ku yaal…..

 

Waxaana jirtay in Qarammada Midoobay iyo dalalka qaarkood ay Itoobiya ku taageereen inay xudduudda Soomaaliya ka talaabi karto markay doonto sabab la xiriira amaankeeda isla markaasna ay isaga difaacdo kooxaha argagixisada (Al-Itixaad) ee Soomaaliya kaga soo duulaya….waxaa kaloo si baahsan dalka meel kasta oo ka mid ah ugu faafay ciidammada Sir-Doonka oo ka kala socday dalalka deriska ah Itoobiya iyo Kenya, sidaasoo kale  dalalka reer galbeedka oo ay ugu ghoreeyaan Marykanka, Ingiriiska, iyo Talyaaniga, waxaana lagu xad gudbay si buuxda oo aan qarsoodi ahayn Qaranimadeennii, waligeedna lagama hadlin….

 

Si kastaba ha ahaatee in ciidamo dowladdu ay dalbato sababihii kalifay waynu garanaynaa, laakiin xiriirkii dhex maray Qabqablayaashii Muqdisho iyo Maraykanka wuxuu wax weyn ka bedelay go’aannadii ka soo baxay shirkii Mbagathi iyo natiijadiisii. Ciidammadii IGAD iyo ururkii Midowga Afrika waxaa la bedelay dabeecaddii laysku ogaa inay ku shaqeeyaan, oo barnaamijkii dalalka Afrikaanka ah ee ay ugu  horeysay dowladda Uganda ee ahaa ciddammada dowladda raacaya inay la shaqayniyaan dowladda waxaan ahayn baa markii ciidammadii la oggolaaday meeshii ka soo baxay, waxayana sheekadii noqotay in ciidmmadii la keenay ay iyadoo aan waxba laga bedelin buuxiyeen kaalintii uu Maraykanka rabay inay  Qabqablayaashii Muqdisho u buuxiyaan.

 

In ciidammada Itoobiya ay ka soo hor maraan ciidmmada IGAD ama Midowga Afrika iyagoo aan cidna waxba laga weydiin waxay ahayd talaabo la soo qorsheeyay oo looga dan lahaa in lagu duleeyo dowladda oo ay magan u noqoto itoobiya, isl mar ahaantaasna ciidmmada kale ee dalalka IGAD iyo Midowga Afrika ay u noqdaan tusaale ay ku daydaan marka ay timaado sida la rabo in loo maamulo dowladda, laakiin Maraykanka wuu ogsoonaa in Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi inta ay joogaan adkaan doonto inuu nidaamkaas shaqeeyo, hawlahana ay adkaan doonaan.

 

Mid waxay ahayd arrin iska cad oo marar badan laynoo xaqiijiyay laakiin aan annaga u fahamnay inay tahay arrin la dhamaanays dowlad la’aanta. Cuna-qabatayntii xagga hubka ahayd ee Soomaaliya la saaray waxay dad badan u qaateen mid dadka loogu danayniyo oo ujeeddadeedu tahay in dagaalka la yeereeyo ama la joojiyo, oo yaa innagu yiri?….Waxaa bishii November 10dii 2003 dii soo gaaray Nairobi ooErggedii Soomaaliyeed ee shrike ka qayb galaysay kala hadlay cunu-qabtaynta hubka ee Soomaaliya saran sarkaal reer Bulgaria ah oo la Stefan Tafrov oo u sheegay inuu u yimid inuu hubiyo sida ay u dhaqan gashay cuno-qabatayntaas.

 

Waxaase arrintu culayskay leedahay ay soo baxday markii  la sameeyay kooxda loogu yeeray Kooxda Xiriirka Soomaaliyeed (Somalia contact Group) oo la yiri waxay la soconayaan arrimaha Soomaaliya, wax walba oo taladii dalka ahna waxay u ekaadeen in gacan shisheeye ay maamualyso annagana aan dowladdii nahay laakiin aynaan shaqo ku lahayn….Oo taas macnaheed?!….waxaa soo if baxay in hubka laynaga ilaalinayo, in ciidan Soomaaliyeedaydhismaaan laynaga ilaalinayo, iyo ciidammo shisheeye dalka laga soo buuxinayo kuwo aan ognahay iyo kuwo aan laynoo sheeginba!……

 

Gabre Ezaber, oo muddo dheer dagaalladii dalka ka socday ka soo qayb qaadanayay oo ay aad isu yaqaanaan Qabqablayaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayey Itobiya madax uga dhigtaya ciidankeeda ka hawl geliya Soomaaliya. Arrintan waxay albaabbada u furtay in Gabre uu adeegsado Qabqablayaashii ay saaxiibbada ahaayeen, in uu helo oo uu sameeyo niman isaga la shaqeeya oo ay dowladdii haday xukuumad tahay iyo hadday gole shacab tahaywax sirah yeelan weyso, waxaana qalqal iyo qalalaase uu ku dhacay nidaamkii dowladdu ku wada shaqayn lahayd iyadoo khilaaf kasta ninka loogu tegayo uu noqday Colonel Gabre Ezaber……

 

Beri la soco….

PUNTLAND POST