Dowladda Turkiga oo beenisay inay aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Dowladda Turkiga ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland.

“Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay ID aqoonsi oo kale ah, anagu waxaan rabnaa in Soomaali ay midowdo, Somaliland waa qeyb kamid ah Soomaaliya, Soomaalida kale ee ayeyna noola mid yihiin” ayuu yiri Danjiraha Turkiga.

Sidoo kale Danjiraha Wuxuu sheegay in maamulka Soomaaliland ay ka codsadeen iney joojiyaan howlihii hey’adda Nile ay ka heysay halkaasi, isagoo caddeeyay ineysan weli ka helin wax jawaab ah.

Dhanka kale ayuu soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST