Madaxweynaha dawladda Puntland oo Gaadhi abaal marin ah guddoonsiiyey ardaygii ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30 July, 2016 kulan soo dhoweyn iyo dhiirri gelin ah la qaatay 13-kii arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa e dugsiyada sare ee Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2015-2016.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, Wasiir ku-xigeenka wax-barashada, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Ugaas Maxamuud Cabdiqaadir Shoole oo qayb libaax ka qaatay abaalmarintii la guddoonsiinayey ardayda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda kulanka kasoo qayb galay maamulayaasha dugsiyadii ay kasoo bexeen 13-ka arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland, iyadoona ardayda iyo maamulayaashaba la guddoon siiyey abaal marino kala duwan oo isugu jira billado sharafeedyo, shahaado sharafyo iyo qaddarro lacageed oo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Prof. Abshir Aw Yuusuf Ciise oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ardayda kula dardaarmay in ay sii wadaan dedaalkooda isla markaana waxa uu xusay in ay dawladda Puntland ardaydaan u diri doonto wax barasho dibadda ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey ardayda dedaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen dedaalkoodii ay soo wadeen muddada 12-ka sano ah ee wax baranayeen, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey waalidiintii ardaydaan soo barbaariyey oo garab taagnaa muddadii ay ku guda jireen waxbarashadooda.

Madaxweyna ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Ugaas Maxamuud Cabdulqaadir Shoole sida uu uga qayb qaatay dhiirri gelinta ardaydaan, waxaanu Madaxweynuhu ku tilmaamay Ugaaska in uu yahay shaqsi aqoon yahan ah oo dareemi kara qiimaha ay leedahay wax-barashadu.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ardaygii ugu sarreeyey dugsiyada sare ee Puntland guddoon-siiyey abaal marin ah  gaari  nooca loo yaqaan NOAH ama (NOOHO), waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in u jeedadu ay tahay sidii  kor loogu qaadi lahaa wax-barashada Puntland isla markaana ay ardadu ugu dhiirran lahaayeen in ay tartan u galaan sidii ay guulahaan oo kale u gaari lahaayeen.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_1230 IMG_1233 IMG_1235 IMG_1239 IMG_1242 IMG_1243 IMG_1252 IMG_1258 IMG_1262 IMG_1264 IMG_1272 IMG_1277 IMG_1292 IMG_1297 IMG_1301 IMG_1305 IMG_1311 IMG_1314 IMG_1318 IMG_1324 IMG_1327 IMG_1330 IMG_1337 IMG_1342 IMG_1344 IMG_1348 IMG_1353 IMG_1357 IMG_1360 IMG_1363 IMG_1368 IMG_1371 IMG_1373 IMG_1378 IMG_1380 IMG_1381 IMG_1384 IMG_1385 IMG_1393