Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xil muhiim ah u magacaabaya Muungaab

Ilo Xog-ogaal Ah ayaa Warbaahinta Puntland Post  u Xaqiijiyay in Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ahana duqii Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka soo muuqanayo Golaha wasiirada ee waqtigoodu sii dhamaanayo.

Ilahaan Xog-ogalka ah ayaa ku waramaya  Muungaab ay kulamo waqtiyo badan qaatay uu la yeeshay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyaga oo ugu dambeeyntiina la isku afgartay.

Muungaab Ayaa rajadiisu tahay hadda in uu kamid noqdo Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah Ee Somalia.

Si dhab ah looma oga xilka loo magacaabi doono hayeeshee warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dhanka wasaarada cadaalada xil looga dhiibi doono.

Muungaab ayaa waxaa la sheegaa in ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Muungaab Ayaa xilal kala duwan Soo Qabtay Waxaana uu ahaa Gudoomiyihii Maxkmada Ciidamada Qalabka Sida Xiligaasi uu ku soo caanbaxay Saaxada siyaasada Somalia Markii dambana loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inkastoo markii dambana laga qaaday.

Xafiiska Wararka Puntland Post Ee Muqdisho