Mid kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Muqdisho oo Shil Gaari ku dhaawacmay iyo ilaaladiisa oo Dhimasho iyo Dhaawac ka soo Gaartay

Gudoomiyaha Degmada Deyniile Ahmed Nuur Siyaad ayaa Dhaawac Fudud ka soo gaaray Shil Gaari oo ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir Xil uu ka Amba baxay Xarunta Degmadaasi isaga oo xiligaasina ku sii jeeday hoygiisa.

Shilkaan Gaari ayaa Waxa ku Dhintay 2-Askari oo ka Tirsanaa Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Deyniile iyo 5-Shan Askari oo ku dhaawacmey  Kuwaasi oo la Dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho.

Gaariga Shilka Galay oo Xiligaas uu Waday Gudoomiyaha Degmada Deyniile ayaa la Sheegay in uu Rogmaday ka dib markii lugi ay ka qaraxday Gaariga, Taasi oo Sababtay in si Kadis ah uu Shil u Galo.

Xoghayaha Maamulka Degmada Deyniile Mahad Maxamed Shiraawe oo la hadlay Xafiiska Warqabadka Puntland Post ayaa sheegay in  Dhaawaca Gudoomiyaha iyo Dhimashada iyo Dhaawaca Soo gaaray Askartii  gaariga la socotay waxa uuna Tilmaamay in Xaalada Gudoomiyaha ay tahay Mid soo hagaagaysa inkastoo uu  ka dayriyay Xaalada Qaar ka mid ah Askartii ku Dhaawacantay Shilkaasi.

Shilka 1 Shilka 2

Shilka 3

Shilka 4

Shilka 5

Hoos ka dhageyso Wareeysiga Xog-hayaha.

Xafiiska wararka Puntland Post Muqdisho