Gaalkacyo xarun ku taala oo la weerarey

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegey in weerar hubeysan  ay ku qaadeen maleeshiyo aan heybtooda la garaneyn xarun la yiraahdo Wisil oo ku taala xaafadda koonfurta Gaalkacyo ee Baraxley.

Goobtan ayaa weerarka lala beegsaday xilli ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Dad  shacab ah , Faahfaahin rasmiyana lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ahaa mid rasaas ooda looga qaaday xarunta la weerarey.

Goobjoogayaal la hadlay  Puntlandpost waxa ay sheegeen inta la hubo weerarkan inay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ka mid yahay  Afhayeenka maamulka Galmudug Yoonis Abshir iyo Saddex ruux oo kale.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatey weerarkan hubeysan Si la mid ahna wali war kama aysan soo saarin maamulka Galmudug

Abshir Dhiirane

Puntlandpost.com