Obama oo si weyn u taageeray Hillary Clinton

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sababta uu u maleynayo in Hillary Clinton u mudan tahay inay xafiiska kala wareegto bisha January, Isagoo carabka ku adkeeyey inaanu jirin nin ama haweeney la mid ah Hillary oo u diyaarsan xilka madaxtinimada.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa ka codsaday shacabka inay doortaan Hillary Cliton Islamarkaana ay noqoto Madaxweynaha ku xiga isaga.

Wuxuuna yiri “Sanadkan waxaan idin weydiisanayaa inaad igula soo biirtaan inaan iska diidno cabsi gelinta, oo aan doorano waxa noo wanaagsan oo ah Hillary inay noqoto Madaxweynaha xiga ee Mareykanka”

Daawo Khudbada Obama

Abshir Dhiirane

Puntlandpost.com