Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka oo Hillary Clinton u xushay inay u matasho tartanka Doorashada

Ha

Xisbiga Dimuqraadiga Dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah  ugu magcaabay Hillary Clinton oo horay usoo noqotay xog hayaha arimaha dibada Dalkaas inay noqoto ruuxa tartanka doorashada Madaxtinimada u matelaaya xisbiga Dumuqraadiga.

Dimuqradiyiinta ayaa mar kale sameeyey taariikh ku cusub Maraykanka maamada ay tahay markii ugu horaysay oo haweynay loo xusho inay u cararto Doorashada madaxtnimada Maraykanka, iyagoo horayna usoo xushay Madaxweynaha xilka haya ee Maraykanka Brack Obama oo ah qofkii ugu horeyey ee Madowa oo madaxweyne ka noqda Maraykanka, waxayna arintani xiisa gaara u yeeli doonta Doorashada Bisha November ee Sanadkan ka dhici doonta Dalkaas.

Mrs Clinton oo hadashay markii doorashadani soo baxday ayaa sheegtay inay si aada ugu faraxsan tahay, waxayna si aada ugu mahadcelisay Dadka lasoo halgamay mudadii ay ololaha ku jirtay.

Senator-ka Vermont Bernie Sanders oo xilkan kula tartamay Hillary Clinton ayaa taageero xoogan u muujiyey magacbista Mrs Clinton wuxuuna ku baaqay in codka lasiiyo Bisha November, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey Odaygeeda Bill Clinton oo horayna usoo noqday Madaxweynaha Maraykanka.

Hillary Cliton ayaa bisha November tartan adag la geli doonta Donlad Trump oo isna matalaaya xisbiga Jamhuuriga.

PUNTLAND POST