Madaxweynaha dawladda Puntland oo xarigga ka jaray Dhismaha Cusub ee Iftin Bank

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27-July-2016 caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasabad lagu daahfurayey dhisme cusub oo uu Bangiga Iftin ka hirgeliyey magaalada Garoowe.

Munaasabadd ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Bangiga Iftin, Ganacsato iyo Qurbe Joog ka kala timi daafaha Caalamka, kuwaas oo dalka ugu soo laabtay sidii ay u maal-gashan lahaayeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhismahaan cusub ayaa ku ammaanay maamulka Bangiga Iftiin horumarka uu kusoo kordhiyey Puntland maadaama oo uu keenay adeegyo ay shacabka Puntland ku taamayeen.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Bangigaani uu shaqooyin u  abuuri karo  dhalinyarada wax baratay ee reer Puntland kadibna uu shaqo abuurkaasi sababi doono dhaqaale badan oo waddanka soo gala iyo cashuur badan oo dawladda usoo xeroota si ay dawladdu usii dar-dargeliso adeegyada ay bulshada u suubiso.

Madaxweynaha ayaa maamulka Iftin Bank ku boorriyey in ay soo kordhiyaan adeegyo dheeraad ah oo dalka looga baahan yahay isla markaana ay xiriiro la yeeshaan Bangiyada Caalamiga ah, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu maamulka Bangiga ku boorriyey in ay ilaashadaan kalsoonida shacabka.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay Qurba joogta reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay ku dhiirradaan  in ay dalka maal-gashaadaan si waddankana loo horumariyo dhallinta shaqo la’aantu haysan ay shaqooyin ugu abuuraan.

Madaxweynaha ayaa kadib markii uu kasoo baxay munaasabadda xarig jarka Bangiga waxaa uu shacabkiisa kulan nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay  xarunta cusub ee Hotel Jubba ee magaaalda Garoowe, halkaas oo uu kula sheekaystay dadkii ka qaxwaynayey goobta.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_0172 IMG_0182 IMG_0185 IMG_0189 IMG_0198 IMG_0213 IMG_0214 IMG_0216 IMG_0217 IMG_0228 IMG_0232 IMG_0238 IMG_0239 IMG_0241 IMG_0243 IMG_0246 IMG_0251 IMG_0260 IMG_0261 IMG_0262 IMG_0267 IMG_0274 IMG_0277 IMG_0281 IMG_0284 IMG_0288 IMG_0300 IMG_0308 IMG_0310 IMG_0311 IMG_0312 IMG_0314 IMG_0315 IMG_0316 IMG_0317 IMG_0324 IMG_0325 IMG_0326 IMG_0330 IMG_9894 IMG_9895 IMG_9902 IMG_9927 IMG_9930 IMG_9994