WARBIXIN: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Qado Sharaf ugu Sameeyey Bahda Qoraaga Soomaliyeed iyo kuwo Shisheeye ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta 27 July, 2016 qasriga Madaxtooyada Garoowe waxa uu qado sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyey bahda qoraaga Soomaaliyeed oo ay weheliyeen qoraayo shisheeye ah oo ay ka mid yihiin Dr Georgi Kapchits iyo Prof Lidwein.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa bahda qoraaga kusoo dhoweeyey caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe, isla markaana ku amaanay sida ay dedaalka ugu bixiyeen inay soo saaraan buugaag ku qoran afkeena hooyo ee Soomaaliga.

Waxaa sidoo kale qado sharafta ka qayb galay masuuliyiinta machadka cilmi barista ee SIDRA oo uu hogaaminyay agaasimaha machadkaas Guuleed Saalax Barre iyo xubno kale, waxaana kulanka qado sharafta oo qaatay saacado badan lagu soo qaaday sida ay muhiim u tahay in loo istaago tayaynta afka Soomaaliga iyo in la dhiiri geliyo bahda qoraaga Soomaaliyeed.

Bahda qoraaga Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ayaa Garoowe kaga qayb geli doona munaasabadda bandhiga buugaagta caalamiga ah ee Garoowe, munaasabaddaas oo ay si wada jir ah u qaban qaabiyeem machadka SIDRA iyo shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom , isla markaana looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa qoraalka loona abuuri lahaa hab dhaqan horseedi kara in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiri geliyo inay wax qoraan waxna akhriyaan, taasoo keenaysa in aqoonta bulshada Soomaaliyeed ay kobocdo.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta Wacyi-gelinta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_0344 IMG_0349 IMG_0351 IMG_0358 IMG_0361 IMG_0367 IMG_0373 IMG_0375 IMG_0378 IMG_0391 IMG_0393 IMG_0411 IMG_0424 IMG_0433 IMG_0434 IMG_0441 IMG_0459 IMG_0462 IMG_0464 IMG_0487 IMG_0489 IMG_0503 IMG_0506 IMG_0507 IMG_0510 IMG_0513 IMG_0527 IMG_0533 IMG_0542 IMG_0555 IMG_0558 IMG_0570 IMG_0577 IMG_0588 IMG_0596 IMG_0600 IMG_0607 IMG_0635 IMG_0640 IMG_0651 IMG_0657 IMG_0662 IMG_0667 IMG_0669 IMG_0671 IMG_0674 IMG_0675 IMG_0676