Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LI) 51aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

MuseveniS
Maxkamadihii guulo waaweyn ayeey ka gaareen meelo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan gobollada Koonfureed, laakiin waxay garan waayeen intii ay  kuwii ka horeeyay ee Qabqablayaasha Muqdisho ahaa garan waayeen oo ahayd dadka aan talada la wadaagno, aan isugu yeerno ummadda, waxay garan waayeen dalku ma dhisna ummaddii waa laysku diray, aan heshiisiino, aan iyaga ka mid nahayee aan ka mid noqono!….Qabqable ha ahaado, Wadaad ha ahaado, Siyaasi kale ha ahaado, dhamaantood waxay garan waayeen qoryaha ay xeryaha kala soo baxeen in lagu soo gaday canshuurihii laga qaaday  dadka Soomaaliyeed, ama in lagu soo deyntay magaca dadka Soomaaliyeed, sidaas daraadeedna aysan ahayn in iyaga lagu dilo, lagu dhaco, laakiin ay tahay in iyaga lagu ilaaliyo, xeerarka ay dhigteen iyo sharftooda Qaranimo iyo dadnimana lagu ilaaliyo……intaas bay garan waayeen.

 

Qabqablayaashii waa laga soo adkaaday, waa soo jabeen, xukuummaddii waa laga eryay, laakiin golihii shacabka ayeey wali soo dhex fadhiyeen, waji adaygga, isma cazilaan, oo inay bishii 100kun-150kun oo dollar Maraykanka ka qaadanayeen ma inkirin taasoo waliba ku tusaysa inay ahaayeen niman khayaanay dalkii, niman khayaanay dhaartii ay magaca Alle ku mareen, niman khayaanay wax kasta oo ammaana ahaa, markii Qarankii ummadda dumiyay….Balse ka waran kuwa xil-dhibaannada ah, kuwa annagoon aqoon inta laynoo soo xulay codkaayagii la yiri adinkaa Codka  Dad-weynaha Wakiil ka ah ee kuwaas meel la soo fariisanaya oo aan marna oran innaga dhex baxa!..,…oo maxay is dhaamaanba?!…

 

DHibaatada oo dhan waxay ka timid markii qaynuunkii lagu kala bixi lahaa loo fahmay ama loo qaatay in dal shisheeye loo dacwoodo, awooddii golaha shacabka ee wax diidaysa ama wax oggolaanaysana ay noqotay qof  keliya kaasoo ah SHariif Xasan…..Arrintaas yaabka leh baan nin aqoonyahan ah oo ka tirsanaa barlamankaas aan wax ka weydiiyay,  “…War nin yahow adigoo daacad iigu waramaaya, haddii SHariif Xasan uu yahay nin xun oo aydaan la qabin waxa uu samaynayo maxaad mooshin uga keeni weydeen oo u ridi weydeen?” wuxuu iiga sheekeeyay inay jirto cabsi badan, maxaa yeelay moshinka wuxuu rabaa in magacaaga lagu qoro oo aad saxiixdo…taasoo uu ku tilamaamay inay ku soo dhamaanayso jiirkii (dooligii) shiray ee yiri waa inaan bisadda madaxa gambaleel u gelinaa!….

 

Markii dagaal socday February ilaa June, 2006, oo u dhexeeyay Qabqablayaashii Muqdisho iyo  Maxkamdihii Islaamiga ahaa looga adkaaday Qabqalblayaashii, oo Maxkamadihii  ay gacanta ku dhigeen magaallada Muqdish iyo dhul badan oo ku dhow-dhow ayna bilaabeen inay isa sii fdiyaan, waxaa lays weydiinayay oo markiiba muuqday shaki la xiriira in Maxkamaduhu dagaalka balaarinayaan, isla  markaasna uu burburayo heshiiskii ay wada galeen iyaga  Dowladda federal-ka Ku-Meel-Gaarka ah(DFKMG). Maxkamaduhu waxay isku fidiyeen gobolo badan oo koonfurta ah, waxayna gaareen ilaa gobollada dhexe iyagoo eryana Qabqablayaashii Muqdisho, hasa yeeshee DFKMG waxay taas u qaadatay ama ay ku macnaysay ay doonayaan inay xoog wax ku maquuniyaan, isla markaasna ay jebiyeen qodob ka mid ahaa waxyaabihii ay kula heshiiyeen DFKMG, kaasoo ahaa inaan labada dhinac DFKMG iyo Maxakamaduha uusan midna meelo cusub ku duulin waxaana halkaas ku burburay kulankii labaad ee ay magaallada KHardhuum isugu imaan lahaayeen Maxkamadahii Islaamiga ahaa iyo DFKMG…..

 

In kastoo Barlamankii DFKMGS ay June14, 2006, kulankii ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaallada Baydhabo, ay ku  ansixiyeen in ciidamo shisheeye dalka la keeno, iyagoo aan waxba kala saar-saarin hadana  DFKMGS wali ilaa iyo waqtigaas wax ciidan ah ama taakulayn xagga ciidanka ah sooma gaarin, waxaana jiray warar horu-dhac ah oo soo baxayay oo sheegayay in dowladda Maraykanka oo aan rabin inay qalabayso ciidamo Soomaaliyeed, waxayna Maraykanka bilaabeen inay ka fekeraan ciddii u buuxin lahayd kaalintii ay banneeyeen Qabqablayaashii Muqdisho maadaama aysan iyada iyo DFKMGS aysan isku wanaagsanayn…..sida rag ka mid ahaa xukuumadda Cali Max’ed Geeddi ay ii sheegeen, soo gelitaankii ciidammada Itoobiyaanka ee magaallada Baydhabo xataa dowladda laguma soo war gelin, taasoo loo qaatay inay ahayd arrin si gaarah u wada go’aansadeen Itoobiya iyo Maraykanka….

 

Waxaa iyadana soo gaaray sal-dhiggii dowladda ee  magaallada Baydhabo dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidammada Sir-doonka Maraykanka, kuwaas oo iyagu markii ay Maxkamadihii Islaamiga ahaa  ku soo duuleen gobolka Bay bilaabay inay dowladda ka caawiyaan xogaha ciidammada Maxkamadaha Islaamiga iyo dhaqdhaqaaqooda iyo hadba meelaha ku suganyihiin iyagoo adeegsanaya qalabka kombuyuutarka oo ku xiriirsanaa diyaaradaha wax basaasa oo intii uu dagaalka agagaarrada Baydhabo soo gaaray ka caawinayay ciidanka DFKGS xagga sahanaka iyo xogaha ciidanka Maxkamdaha Islaamiga…..Waa layna soo galay!…..

 

Waa mar kasta, haddii aad fiirisid dagaallada markii ay bilowdeen ilaa iyo intii laga imanayay shirka Mbagathi maalin kasta Qabqablayaashii Muqdisho haystay ama wadaaddadii Al-Itixaadka ahaa, adigu qof kasta magacow ninkii maalin itaal is biday wuxuu garan waayay itaalkaas inuu talo ku daro, inuu dad ururin ku daro, ka soo bilow sanadkii 1991kii markii ay bilaabatay colaadda, dalkii oo dhisan, dadkii oo dhaqan, khasaaraha iyo burburku uu aad u yaryahay, maxay garan waayeen nimankii hubaysnaa?!……Itoobiya waa ina soo gashay, IGAD magaceeda kuma imaan, Midowga Afrika magacooda kumqa imaan, Qarammada Midoobay magacooda kuma imaan, xudduudihii dalka oo dhan bay soo gashay…….intaysan ciidammada Itoobiya dalka soo gelin waxaan naqaanay Yamaani oo ahaa sarkaal sir-doonka Itoobiya ka tirsanaa oo la shaqayniyay safaaradda Itoobiya ee dalka Kenya, iyo Gebre Ezaber oo ahaa sir-doonka ciidammada oo mar kasta dhex taagnaa dagaalladii Soomaaliya u dhexeeyay……

Beri la soco….

PUNTLAND POST