Dab Xoogan oo Goordhow ka kacay Xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha Ee Magaalada Muqdisho

Dab Xoogan Ayaa Goordhow ka Kacay  Xaruunta Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya ay ku la heyd Agagaarka Magaalada Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ee ayaa Xafiiska Puntland Post ee Muqdisho u Xaqiiyey in Caawa Dab Xoogan oo ka Dhashay Koronto ku Jirtay Xafiisyada Xaruunta Wasaarada Arimaha Gudaha uu Bas-beeliyey Qaybo badan oo ka mid ah Dhismaha Guriga ay Daganayd Wasaaradu oo ku yaala Agagaarka Taalada Sayidka.

Waxa ay Masuuliyiintu xuseen in hadda Wax Faah-faahin Dheeraad ah aysan ka Bixin Karin Qasaaraha Dabkaasi uu geystay  Waxayna ay sheegeen in hada ay ku howlan Yihiin Damintiisa

Sidoo kale Dad  ku dhow Xaruunta Gubatay ayaa Dhankooda Puntland Post u Sheegay inay arkayeen Holac Gaduudan iyo Qiiq Madow oo Hawada isku Shareeray Mar qur ah ka Dib Dab ka Kacay Xaruunta Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho