Xidhibaan horay uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya oo fuliyey qaraxii agagaarka garoonka Muqdisho

Sawir horay looga qaaday Saalax Badbaado oo is qarxiyey
Sawir horay looga qaaday Saalax Badbaado oo is qarxiyey

Muqdisho(Puntland Post)-Ex-Xaldhibaan Saalax Badbaado oo mudo 10 sano ah kasoo mid ahaa Baarlamanadii Kumeel gaarka ahaa ee Dalka soo maray ayaa fuliyey qaraxii  saaka lala eegtay agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay baahisay Idaacada Al-andulus oo ku hadasha afka Al-shabaab.

Idaacadan ayaa baahisay cod uu duubay Saalax Badbaado kahor inta uusan qaraxa fulin kaas oo u ku sheegaayo inuu is qarxinaayo, isagoo la dardaarmaaya xubnaha Al-shabaab iyo Dadka Soomaaliyeed.

Saalax Badbaado ayaa kamida ahaa Baarlamaanadii Kumeel gaarka ahaa sanadihii 2000 illaa 2010, wuxuuna ugoostay kooxda Al-shabaab sanadkii 2010, isagoo xiligaas Dawladii jirtay ku eedeyey inaysan ku dhaqmin shareecada Islaamka, wuxuuna intaa wixii ka danbeeyey soo duubaayey codad uu ku dhaliilaayo Dawlada Soomaaliya.

Saalax Badbaado mar uu waraysi siiyey sanado kahor idaacad ku hadasha afka kooxda Al-shabaab wuxuu sheegay inuu si fiican u bartay shareecada Islaamka, uuna Mu’adin ka yahay mid kamida Masajida ku yaal goobaha ay xukunto kooxda Al-shabaab.

Waa markii ugu horaysay oo uu fal noocaana fuliyo masuul xil sare kasoo qabtay kasoo qabtay Dawladihii soo maray Dalka, waxaana qaraxa uu fuliyey ninkan ku naf waayey dad kor u dhaafaaya 20 qof.

Daawo Saalax Bad-baado oo 6 sano kahor Warbaahinta la hadlay markii uu u goostay Al-shabaab

PUNTLAND POST