Finalka Koobka Dowlad Goboleedada Soomaaliya oo Galabta Soo Xirmaya

Xulalka kubada cagta Jubbaland iyo Puntland  ayaa goor dhow oo galabta ah  isaga hor iman doona Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho Final-ka koobka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee 2016.

Ciyaarta finalka ah ee galabta waxaa kasoo qeyb galaya madax kala duwan oo ka kala socda dowlada federaalka Somaaliya,Puntland iyo Jubbaland iyadoo sidoo kale ay garoonka  soo buux dhaafin doonaan taageerayaal badan oo ciyaarta usoo daawasho tagaya.

Puntland waxaa kullankan ka maqnaan doona daafaca bidix ee Yaasiin Robinho ,halka Jubbaland uu ka maqan yahay weeraryahankooda Fu’ad Dheere.

Jubbaland iyo Puntland ayaa mid waliba ku rajo weyntahay iney hanato koobka, inkastoo aan la saadaalin karin natiijada kulanka galabta lagu balansan yahay.

PUNTLAND POST