Faah Faahin Qasaarihii ka dhashay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Dhinacyada Al-Shabaab & AMISOM oo siyaabo kala duwan uga hadlay

Sida aan horay u daabacnay Weeraro ismiidaamin ah oo loo adeegsaday 2 Gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu mid kamid ah yahay Gawaarida Nooca loo yaqaano UD Ayaa maanta lagu Qaaday Meel Aan Sidaasi uga Fogeeyn Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

Weeraradaan ismiidaaminta ah ayaa la la eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM oo ku sugan halka loo yaqaano Madina Gate oo ku dhow Garoonka Muqdisho.

Qasaaraha ayaa ilaa iyo iminka aan la xaqiijin inta uu la egyahay hase ahaatee warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 15-ruux ay ku dhinteen tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale AMISOM iyo Al-Shabaab Ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Qaraxaasi ka dhacay Afaafka hore Ee garoonka Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Ee Somalia Joseph Kibet oo la hadlay Warbaahinta ayaa Xaqiijiyay in qaaxaasi uu dhacay islamarkaasina la la eegtay Ciidamada AMISOM hayeeshe waxa uu sheegay in ay Dib ka soo sheegi doonaan qasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab Ayaa sheegatay Goordhoweyd Masuuliyada weerarkaasi iyada oo sheegay in Ay Dileen Ciidamo Aad u farabadan Sida ay hadalka u dhigeen oo katirsan Ciidamada AMISOM.

Ciidamada Dowlada Somalia Ayaa xiray wadooyinka soo gala Garoonka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia iyada oo dadka iyo gaadiidkaba loo diidayo in ay isticmaalaan.

Puntland Post Office Muqdisho