Dowlada Somalia oo faah Faahin ka bixiysay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Masuuliyiin katirsan Dowlada Somalia Ayaa Gaaray goobta qaraxyada ay maanta ka dhaceen ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray meel aan sidaasi uga fogeeyn garoonka Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowlada ayaa xaqiijiyay in qaraxyadaasi ay ku dhinteen 13-Ruux islamarkaasina ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ku dhow.

Taliyaha booliska Gobolka Banaadir General Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta kula hadlay Goobaha ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa sheegay in qaraxyadaasi aanay u dhicin sidii Al-Shabaab ay doonayeen.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa Masuuliyada weerarkaasi ku eedeeyay Al-Shabaab waxaana uu sheegay in Qaraxyada Ceenkaan oo kale ah aanay wax saameeyn ah ku yeelan doonin hormarka Gobolka Banaadir.

Weerarada ismiidaaminta ah oo noocaan oo kale ah Ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia waxaana qaraxyadaasi ay geeystaan qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoos ka dhageyso Warbixin

 

Xafiiska Puntland Post Muqdisho