Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL I X) 49aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

zuma
Markii ay dowladdu ka baaqatay shirkii labaad ee ay  ku balameen Maxaakimta, waxay arrimuhu si cad ugu muuqdeen inay halkaas ku dhammaatay wax kasta oo waan-waan iyo wada hadal ahaa ee labada dhinac dhex mari lahaa, SHariif Xasan kuma faraxsanayn in Midowgii Maxaakimta ay ka adkaadeen nimankii Qabqablayaasha ahaa, hasa yeeshee markiiba waxaa uu bilaabay inuu isu muujiyo nin xagga ra’yiga u dhow Midowga Maxaakimta taasoo qayb ka ahayd hababka uu ku dagaalayay dowladda uu xubinta ka yahay maamulkeeda, sababta uu dowladda colka kula yahay uu run waligiis run kama sheegin laakiin dad badan oo aad ugu dhowdhowaa isaga ayuu ku eedeyn jiray inuu xafiiska u joogo danaha ganasatada Suuqa-Bakaaraha, waxayna sheegeen si uu taas u fuliyana inuu Qabqablayaasha Muqdisho isu dhiibay si isaga xafiiska ugu hayaan.

 

  Waxaa arrin yaab leh ahayd in dowladda Maraykanka lagu eedeeyay inay mushaar u qortay Qabqablayaashii Muqdisho iyagoo waliba ah Waziiro dowladeed isla markaasna aysan beenin ama aysan arrintaas waxba kaba soo qaadin, arrintan ayaa qaynuun ahaan ahayd dhibaato iyo gef loo geystay ummadda Soomaaliyeed, waxaana taas ka sii yaab badnaa in markii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ay ka adkaadeen Qabqablayaashi Muqdisho ay dowladda Maraykanka ay shir ku qabatay magaallada New York June 15keedii, 2016, kaasoo loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ….,,waxa laga hadlayo waxay ahaayeen arrimaha Soomaaiya, dowlad ku meel gaar ah baa dhisan hal qof oo ka mid ah loogama yeerin, IGAD oo ahaa dalalkii  dowladdas soo dhisay siiba Kenya iyo Uganda, cidna loogama yeerin, Tanzaniya oo aan waligeed arrimaha Soomaaliya aan wax hiil iyo hoo ah ka geysan, isla markaasna aan wax wakiil ah ku yeelan shirkii Soomaalida ee labada sano iyo dheeriga socday baa lagu marti qaaday, ujeeddadu maxay tahay?!…..

 

Waxaa  arrin khaldan ahayd in dowladdii Soomaaliyeed aysan ka hadlain arrintaas iyadoo caqliga iyo fikirka uu yahay armuu Maraykanka maalin idin aqoonsadaa… wax idin taraa… ama ay tahay cabsi;  amuu kuwa idinka soo horjeeda idinku hubeeyaa, hasa yeeshee labada arrimoodba Maraykanka si cad ayaa dhaqankiisa looga arkayay, oo inuusan aqoonsanayn way cadayd oo Qabqablayaashii buu iyagoo jooga oo dowladdii dalka ah arrimihii dalka kala soo xiriiray, dhinaca kalana wuxuu lacageeyay Qabqablayaashii Muqdisho oo dowladda ka soo hor jeeday, marka waxa ay ka cabsanayeen ma ahayn wax aan dhicin, waxayna abbaartooda ahayd in dowladda Maraykanka la hadlaan oo ay dareensiiyaan inaysan dowladda Soomaaliyeed sidaas ka mudnayn…..

 

Nin ka mid ahaa la taliyeyaashii madax-weynaha baan isagoo jooga Marykanka telefoon kula xiriiray oo aan ku iri ” War ninyahow shir jaraa’id qabo oo dowladda Maraykanka u sheeg haddii aysan dowladda dhibka badan dhismaheeda laga soo gacan siinayn taageeradeeaan u baahanahayee yeysan cadow u noqon” waxaan aad uga xumahay jawaabta uu I siiyay ” Waryaa, war i dhageyso, sow ma ogid birta aad igula hadlaysid waa layska dhegeystaayee, sow ma ogid nimanka (Maraykana) birta aad ku hadlayso iyagaa samaystayee.” Waa wareey! Anigoo aad u yaabban baan waxaan ku iri “war anigana waxaan ku leeyahay war-baahinta ka hadal adigana ma telefoonkii baad ka baqaysaana?!” iima jawaabin ee telefoonkii buu igu dhigay….

 

Maraykanka wuxuu wax badan walaac ka muujiyay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad sidaas aawadeedna ay suuro gal tahay argagixisada caalamiga ah inay sal-dhig ka dhigato. Dowladdii la soo dhisay ma uusan taageerin……waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in dowladda Marayknaka ka hor intaan dowladda  ku-meel gaarka ah ee federalka ahayd  la soo dhisan ay Qabqablayaasha Muqdisho ka soo jeeda la lahayd xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo waxa argagixisada loogu yeero, laakiin taas waxaa diidaya sida uu xaalka Muqdisho ahaa, oo Qabqablayaasha Muqdisho dabeecad ahaan siyaasadooda kuma jirin lagumana aqoon inay ka hadlaan ama ay eryadaan waxa argagixisada loogu yeero, waana sababta keentay in Al-Itixaadkii ka soo jeeday gobolkii Woqooyi-Bari (Puntland) ay Muqdisho ammaan soo bidaan oo u soo baxsadaan, marka xiriirkan iyo lacagaha loo qoray Qabqablayaashii Muqdisho waxay qiyaasaha iyo cadaymaha jira aad u tilmaamayaan inay ku jireen heshiisyadii ka soo baxay kulankii safaaradda Maraykanka lagula Qabqablayaasha iyo xubno kale oo ka soo horjeeday dowladda wax yar ka dib markii la doortay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf….

 

Cali Max’ed Geeddi ayaa runtii talaabo wanaagsan qaaday markii uu Qabqablayaashaas xilkii waziirnimo ka qaaday oo uu ka eryay xukuumadda, madax-weynaha naftiisa Cabdullaahi Yuusuf arrintaas si adag buu uga hadlay wuxuuna eedeyn u jeediyay dowladda Maraykanka oo uu ku eedeeyay inay gacan siinayso Qabqablayaashii Muqdisho, laakiin hay’addii dhamayd ee codka dad-weynaha wakiilka ka ahayd xataa mar keliya arrintaas kama aysan hadlin oo sooma hadal qaadin, waxaana shaki la’aan xil-dhibaannada aamunaantoodii loo aanayn karaa saamaynata Af-Hayeenka SHariif Xasan oo isagu sax iyo khaladba kula saftay Qabqablayaashii Muqdisho, inkastoo ay iska caddahay in golihii shacabka uusan taageerin dowladdiisii….

Beri la soco….

PUNTLAND POST