Kulankii Finaalka Ciyaaraha Dowlad Gobolleedyada oo dib loo dhigay

Muqdisho-(Puntland Post) War qoraal  ah oo kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kulan ciyaareedka fiinaalka tartanka kubada cagta Dowlada Gobolleedyada Soomaaliya ee 2016.

Kulankan oo ay ku ballansanaayeen xulalka Jubalabnd iyo Puntland ayaa qorsheysnaaa in la ciyaaro maalinta Isniinta 25 July-2016, waxuuna xiriirku sheegay in la ciyaari doono talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26 July-2016 saacada kulanka la ciyaari doono waa 3:30 PM.

Sababta ugu weyn ee loo baajiyay kulankaan ayaa lagu sheegay in labada Dowlad Goboleed Madaxweenayaashooda ay Biri soo gaari doonaan Magaalada Muqdisho isla markaana ay dalbadeen in ay la kulmaan ciyaaryahanada labada dhinac ah.

Labadan xul ayaa Fiinaalka yimid kadib markay ay Jubalanad wareega Afar-dhamaadka Riigoorayaal 8-7 kaga soo adkaaday Banaadir halka Putlanad ay 1-0  kaga soo adkaatay  Hiiraan/shabeelada dhexe  oo hal xul matalayay.

PUNTLAND POST