Ciyaar xiiso badan oo galabta dhex mari doonta Xulalka Puntland iyo Hiiraan/ Shabellaha dhaxe

Muqdisho-(Puntland Post) Xulalka Puntland iyo Hiiraan/ Shabellaha dhaxe oo hal xul matalaya ayaa galabta isaga hor iman doona garoonka Koonis ee Magaalada Muqdisho, ciyaarta Sami Finalka tartanka dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Labada xul ayaa si wayn ugu diyaar garoobay kulanka maanta oo ah kulan ay siwayn indhaha ugu hayaan taageerayaasha labada dhinac.

Jubbaland ayaa sugeysa labadaan xul ee galabta  ciyaaraya kii soo baxa, mahadaama shalay ay iska xaadirisay Finaalka koobka dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Dhanka kale gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheikh yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in galabta Ciyaarta dhax mareysa Puntland Iyo Hiiraan / Shabellaha Dhaxe uu taageeridoono xulka Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamaha Puntland ay cayaarayso dadku ay aad u xiiseeyaan garookana ay aad u soo buux dhaafiyaan, isagu uu galabta sacabka u timidoono xulka Puntland.

PUNTLAND POST