Machadka SIDRA oo Garowe soo dhowayn ugu sameeyay qoraayaal ka qeyb galaya bandhiga buugaagta ee Puntland

Garowe (PP) Mac-hadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland kulan soo dhowayn ah ugu sameeyay qaar kamid ah qorayaasha ka qeyb galaya bandhiga buugaagta ee bishaan dhamaadkeeda lagu qabandoono Garowe.

Kulankaan oo lagu qabtay xarunta SIDRA ayaa sidoo kale lagusoo bandhigay qaar kamid ah buugaagta qorayaashu ugu talo galeen inay kusoo bandhigaan munaasanada weyn ee bandhiga buugaagta.

Gudoomiyaha Mac-hadka SIDRA ahna wasiirkii hore ee deegaanka Puntland mudane Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay inay sharaf u tahay kuna faraxsan yihiin inay Garowe kusoo dhoweeyaan racii ugu horeeyay ee qorayaasha ka socda.

Guuleed Saalax waxaa uu sheegay inay sidoo kale soo dhoweyndoonaan qoraayaal kale oo dalka dibadiisa ka imaandoona, isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo dadaalkoodii ahaa in bandhig weyn oo caalami ah  ay ku qabandonaan magaalada Garowe.

Madasha kulanka waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiinta shirkada daabacaada Scansom iyo qorayaasha kulanka lagu casuumay, kuwaas oo jeediyay kalmado muhiim ah oo isugu jiray baraarujin ku saabsan in kor loo qaado Afsoomaaliga iyo soo badhigida hal-abuurka.

Maamulaha shirkada Scansom Maxamed Sheikh Xasan ayaa sheegay sanadkaan inay qorayaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ay kasoo qeyb gelidoonaan bandhiga qaran ee buugaagta, waxaana uu tilmaamay sanadkaan inuu ahaandoono sanadkii labaad oo ay Puntland ku qabandoonaan bandhiga buugaagta.

Daawo Sawiradda.

_DSC7016 _DSC7019 _DSC7021 _DSC7022 _DSC7023 _DSC7024 _DSC7025 _DSC7026 _DSC7027 _DSC7028 _DSC7029 _DSC7030 _DSC7031 _DSC7032 _DSC7033 _DSC7034 _DSC7035 _DSC7036 _DSC7037 _DSC7038 _DSC7039 _DSC7040 _DSC7042 _DSC7043 _DSC7044 _DSC7045 _DSC7046 _DSC7047 _DSC7048 _DSC7049 _DSC7053 _DSC7058 _DSC7068 _DSC7070 _DSC7072 _DSC7073 _DSC7074 _DSC7075 _DSC7077 _DSC7078 _DSC7079 _DSC7081 _DSC7084 _DSC7085 _DSC7086 _DSC7088 _DSC7093 _DSC7100 _DSC7108 _DSC7110 _DSC7112 _DSC7121 _DSC7130 _DSC7133 _DSC7134 _DSC7135 _DSC7137 _DSC7148 _DSC7149 _DSC7155 _DSC7157 _DSC7158