Masuuliyiinya ka socda dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey deegaano hoostaga Degmada Ceerigaabo

Agaasimaha warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Col. Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan ayaa safarro shaqo oo isugu jira wacyigelin la xiriirta sidii shacabka gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada gobolka ku tegey deegaanada Hadaaftimo, Ceelbuh, Carmale, Shimbiraale iyo Damalla xagarre oo ah deegaano aan ka fogeyn  Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Masuuliyiintaan muddadii ay ku jireen safarkooda waxa ay kala kulmeen dhammaan deegaanadaasi ay gaareen soo dhoweyno aad u heersarreeya  oo ay soo abaabuleen dadka ku dhaqan deegaanadaasi, kuwaas oo lulayey Calanka dawladda Puntland iyo kan Qaranka Soomaaliyeed.

Deegaanada qaybtood oo hoos taga Degmada Ceerigaabo una jira magaalada Ceerigaabo wax ka yar 30km  ayay Masuuliyiintaasi gaareen iyadoo xilligaasi ay ka socodeen dibad baxyo lagaga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee uu maamulka Somaliland kawado galbeedka gobolka Sanaag.

Boqollaalkii dadweynaha ahaa ee masuuliyiintaasi ku soo dhoweeyey deegaandaasi ayaa ka codsaday Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba in ay tallaabo sharciya  ka qaadaan kuwa ka shaqaynaya inay khal-khal nabadgelyo darro ka abuuraan dhulka Puntland ee Nabadda iyo xasilloonidu ka jirto.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la hadlay boqollaal dadweyne oo ku soo dhoweeyey deegaano kala duwan ayaa gaarsiiyey salaan iyo hambalyo uu ka wadey Madaxweynaha dawladda Puntland, waxaana uu ku boorriyey  in ay la shaqeeyaan ciidamada dawladda Puntland ee ku gaaf-wareeegaya jiidaha hore si’ay u xaqiijiyaan nabadgelyada gobolkaasi.

Ugu dambay, masuuliyiintaan ayaa booqday fadhiisimo ay ciidamada difaaca Puntland ka samaysteen deegaano kala duwan oo dhaca galbeedka gobolka sanaag, waxaana ay masuuliyiintani gaarsiiyeen ciidamada salaan sharaf ay uga wadeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyagoona ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin difaaca dalkooda habeen iyo maalinba.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
13663435_1107026482695086_1737424105_o 13689310_1107029046028163_1512913740_n 13692173_1107027549361646_1429461673_o 13692266_1107028869361514_134723685_o 13694088_1107027462694988_152767002_o 13694256_1107027392694995_1401638258_o 13694296_1107026172695117_535470257_o 13702309_1107028926028175_271851155_o 13702436_1107026256028442_2037569478_o 13705326_1107029066028161_1900024762_n 13706119_1107029122694822_1194111579_n 13709484_1107026899361711_2049083569_o 13711515_1107027672694967_1258899274_o 13713458_1107029162694818_4996605_n 13717940_1107027346028333_242585711_o 13718032_1107027932694941_2094558514_o 13718051_1107026536028414_1310030536_o 13718096_1107028469361554_60914067_o 13720490_1107027649361636_1768517834_o 13720594_1107028996028168_1450295789_o (1) 13720594_1107028996028168_1450295789_o 13720679_1107028922694842_243139450_o 13728510_1107027712694963_1301251295_o 13734581_1107029166028151_111679591_n 13734665_1107029069361494_1891520520_n 13735254_1107029132694821_330482168_n