Warbixin: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland oo kulamo la qaatay danjiraha dawladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo uu weheliyo wakiilka Puntland u fadhiya Kenya Maxamed Rashiid Axmed Fagallade oo hawlo shaqo u jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta 01-July-2016 kulan gaar ah kula qaatay magaalada Nairobi Danjiraha dawladda Masar u fadhiya dalka Soomaaliya Abassador Waliid Ismail iyo ku-xigeenkiisa Ahmed Shedid.

Agaasimaha ayaa iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Puntland iyo Masar iyo sidoo kale arrimo la xiriira  iskaashiga dhinacyada dhoofka xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, waxbarashada iyo maal-gashiga.

Agaasimaha uga mahadceliyey  dawladda Masar sida ay u garab taagan tahay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo ah dhulka ugu xoolaha badan Soomaaliya isla markaana ah cidda keliya ee sida gaarka ah uga faa’iidaysan karta xiriirka cusub ee dhoofka xoolaha ee u  dhexeeya Masar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasime Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa u sharraxay Danjire Waliid Islamail horumarka Puntland ee dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo fursadaha  maal-gashi ee ka jira Puntland  iyo siyaasadda dawladda Puntland uga deggan hannaanka maal-gashiyada Caalamiga ah.

Dhinaca kale danjire Waliid Ismail ayaa ku ammaanay dawladda Puntland horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsatay oo ay dheertahay Soomaaliya inteeda kale iyo sidoo kale doorkeeda siyaasadeed ay Puntland kuleedahay guud ahaan  Soomaaliya iyo dedaalka ay dawladda Puntland ugu jirto baadigoobka dawladnimo Soomaaliyeed oo cageheeda ku istaagta.

Danjiraha ayaa ballan qaaday in dawladda Masar iyada oo ka duulaysa xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Puntland ay kor u qaadayso deeqaha waxbarasho ee dawladda Masar ay siinayso ardayda wax ka barata Puntland iyo dhoofka xoolaha oo ah laf dhabarta dhaqaalaha Puntland.

Ugu dambayn danjire Waliid Ismail ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland ka helay martiqaad rasmi ah isla markaana uu dhowaan tegi doono Puntland isagoo si dhab ah u soo indho indhayn doono horumarka baaxadda leh ee ka jira Puntland iyo fursadaha maal-gashi ee ka bannaan.

—DHAMMAAD—

XAFIIDKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADD PUNTLAND.
IMG_3202 IMG_3204 IMG_3207