Qorshe Lagu Xirfadeynayo Booliska Soomaaliya oo Socda

Garowe-(Puntlandpost)-Qorshe darafyo badani ay ka shaqeynaayaan oo diirada lagu saarayo sidii isbaddal wanaagsan loogu samayn  lahaa ciidamada biliiska ee Soomaaliya ayaa shalay Khamiistii lagu daah furay caasimada Muqdisho.

Unugga Mashruuca Xiriirinta Booliska (PPCC), hayadaha QM iyo AMISOM ayaa bixinaaya fagaare loogu tala galay isweydaarsiga xogta arintaasoo u saamaxaysa shiriigyada horumarintu inay bixiyaan jawaabo aad isugu xiran oo loogu tala galay horumarinta booliska Soomaaliya.

Soomaaliya maadaama haatan dagaalka sokeeye ay tartiib uga soo kabanayso waxaa muhiim u ah oo darafyadaasi isla garteen hayado ammaan oo xooggan si dadka Soomaaliya naftooda iyo hantidooda intaba loo badbaadiyo isla markaana muwaadiniintu nabad iyo baraare ugu naaloodaan.

Markii shalay la daah furaayay mashruuca asagoo hadlaayay ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Waaxda Booliska Soomaaliya, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in Unugga Mashruuca Xiriirinta Booliska hadafkiisu yahay in la hirgasho ciidamo booliis ah oo xirfadeysan oo dadweynaha siin kara adeegyo tayo leh.

Gerard Smith oo ah Xiriiriye Mashruuc kana tirsan UNSOM ayaa sheegay in kooxaha kulugta leh PPCC ay ka go’an tahay inay ka dhigaan booliska Soomaaliya unug xirfadeysan.

Markii si buuxda loo haw galiyo ayaa PPCC wuxuu isku dubba ridi doonaa dhammaan mashaariicda booliska.

Kayse

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe