Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXVI) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Golihii cusbaa ee xil-dhibaannada waxay soo jeediyeen oo isku raaceen in dadka murashaxiinta ah  ee u tartamaya xilka madax-weynenimmada ay bixiyaan lacag 2kun oo dollar, runtii shuruuddaas waxay ka xanaajisay murashaxiin badan oo isa soo rashaxay gaar ahaa kuwii dibadaha ka yimid, in lacag intaas la eg shuruudah laga soo daro ayaa lagu kala aragti duwannaa, hasa ahaatee,  dhallin yarradii dibadaha ka timid ee soo rashaxay ayaa iyagu intooda badan u qaatay inay ahayd mid iyaga lagu hor joogsanayay oo waxa ay  rumaysnaayeen in qabqablayaasha iyo siyaasiyiinta gudaha ka yimid ay badankood haysteen lacagihii dalka oo jeebabka ay u buuxeen. Waxaa lacagtaas daraadeed tartankii doorashada uga haray in ka badan kala baray dadkii rashaxnaa haba u badnaadaan murashaxiintii dibadaha ka yimid.

 

Heerka uu shirka soo gaaray wuxuu wax weyn ka bedelay guud ahaan sida ay markii hore dad badan u arkayeen shirka, waxaana la arkayay ergooyinkii shisheeyaha ahaa oo kolba booqanaya qaar ka mid ah murashaxiinta, waxaana maalmahaas bilowday qadooyin ay samaynayaan dadka murashaxiinta ah oo ay ku marti qaadayaan xubnaha barlamanka ayagoo taageero iyo cododkooda weydiisanaya….waxaa murashax kasta uu bilaabay inuu xil-dhibaannada uu ku soo booqdo meelaha ay deggenyihiin…

 

Inkastoo uu shirkii heerkaas soo gaaray, waxaan iyadana meesha laga saari karayn inay jireen dabeecado shirka inay wax ka soo baxaan diidanaa oo hareer socday talaabo kasta oo uu shirka horay u qaado…waxaa jiray in ergooyinkii shisheeyaha ahaa ee shirka fadhiyay ay dhexdooda iska haysteen, in ergooyinka dalalka deriska ay shaki ka qabeen natiijo kasta oo u muuqatay in dowladnimo Soomaaliyeed ay horseedi karto, dowladda Maraykanka ayaa iaydu u ekeyd gebi ahaanba inay inkirsanayd shirka socday inta aan la gaarin natiijada ka soo baxaysa…

Niine

Wixii ka dambeeyay September22, 2004, waxaa bilowday olole doorasho oo aan lahayn wax xeerar ah iyo nidaam ilaalinaya si loo ilaaliyo habsamida ay doorashda u dhacayso, nidaamkii wuxuu noqday in nin kasta oo murashax ah isaga iy taageerayaashiisu ay lacagtooda, iyo kartidooda ku raadsadaan cododka xil-dhibaannada oo iyagu ah dadka keliya ee codeyniyay doorashadaas. Waxaa yaab leh saacad go’an ma laha, xil-dhibaannada laftooda waxay diyaar u yihiin lacagahaas, waa subax, waa duhur, waa casar waa habeen, waa saq-dhex, meel kasta waxaa ordayay murashax lacag ku raran.

 

Nin la shaqeyniyay murashaxiinta nin ka mid ah baa wuxuu ii sheegay in murashaxaas uu lacaga u kala xirxiray  baakad $1000 ah, baakad $2000 ah, iyo mid $3000, wuxuu ninkaas igu yiri oo aan ku qoslay “Xil-dhibaanka markaan u tagno, annaga taagerrayaasha ah meel waxaan fariisanaynay meel aan ka fogeyn meesha ay ku wada hadlayaan murashaxa iyo xil-dhibaanka, Murashaxa wuxuu weydiinayaa ninyahow ma murashax gaar ah oo aad u balan qaaday cokaaga baa jira?  Haddii uu yiraahdo xil-dhibaanku ma jiro, murashaxa hadana wuxuu weydiinayaa, ma iga balan qaadaysaa inaad aniga keliya ii codaynayso oo aadan murashax kale balan qaad siinayn?  Hadii uu haa yiraahdo waa lays dhaarsanayaa, markaasuu ina leeyahay baakadda 3aad, markaasaan 3kun oo dollar u soo bixinayanaa….”

 

Waaba ganacsi caadi ah, kii codkiisa iyo codod kale keeni kara waxaa la siinayaa intaas ka badan, kii yiraahda aniga wali ma go’aansan ninkii aan codeyn lahaa marka hore waxaa la leeyahay codkaaga ina sii, haddii laga shakiyo inuu codkiisa bixinayo kun dollar inta la siiyo ayaa la leeyahay waanu kugu tashanaynaa ee ogow, waana qofka lacagta ugu yar la siinayo. Inta la hubo murashaxiintii dibadaha ka yimid iyagu wax lacag ah kuma bixin si ay cod u helaan, taasi looma wada qaadan karo inay ka ahayd laaluush nacayb iyo sharciga dhowrayeen laakiin badankood masaariifta ayeey qadyaan ka taagnaayeen, mana aaminsanayn inay doorashada ku soo baxyaan laakiin sababo kala duwan bay isu rashaxeen oo tartanka u soo galeen.

 

Waxaa iyadan xusid mudan in madax-weynihii markaas xilka hayay Cabd-Ul-Qaasim Salaad xasan uusan isgana wax lacag doorashadaas ku bixin, labada sano ee uu shirka socdayna isu-geyn waxaan 5 jeer dhamayn buu shirka soo fariistay, maalin keliyana  kulan lama qaadan xil-dhibaanada uu codka ka rabay, waxaana qaar ka mid ahaa erggedii ka socotay dowladdii uu madaxda u ahaa ay taas ku macneeyeen inuu ogyahay inaysan wax cod ah siinayn, sababta oo ah muddo dhowr bilood ah mushaarkoodii lama siin lacagihii deeqaha dowladda loo siiyeyna aysan jirin cid ka war haysa meel ay ku baxeen madax-weynuhuna uusan oggoleyn in lagala hadlo.

 

Waxaa isaga gaar ka ahaa murashaxiinta tartamaysay Cabdullaahi Axmed Cadow, oo isaga marna soo dhex gelin erggedii Soomaaliyeed ee shirka fadhiday, oo isagu deggennaa Serena Hotel. Cadow, waxaad moodeysay inuu xoogga saaray inuu la kulmo erggeda shisheeyaha ah oo uu kula kulmo hotel-ka uu deeganyahay, mana aysan jirin haba yaraatee wax lacag ah oo uu ku bixiyay si cod u helo, markaad aad la sheekaysato taageerayaashiisana waxaad ka dhandhansanaysay in Cadow ay ka dhaadhacsanayd inuusan isagu Qabqable ahayn sidaa daraadeedna xil-dhibaannadu ay isagu u codeyn doonaan!….

 

Waxaa jiray murashaxiin siday ololahaas u bilaabeen aan marna fariisan intaasna lacag qaybinayay (laaluush) ama la cashaynayay xil-dhibaannada oo sheekada la qaybsanayay oo siday u ololeyniyeen ku soo fariistay goobtii codeynta!…..waxaas olole socday, waxaas tabaabusho dowladeed la waday, wali tuhun iyo cabsi weyn waxaa laga qabay dowladaha shisheeyaha daacadda ay ka yihiin arrimaha socda iyo natiijada la filayo in lagaaro……

Beri la soco….

PUNTLAND POST