Manchester United Oo Ku Dhawaaqday Iney Dhameystirtay Saxiixa Weeraryahan Zlatan Ibrahimovic

Garowe-(Puntlandpost)-Manchester United ayaa lasoo wareegtay weerayahanka ree Sweden ee Zlatan Ibrahimovic kaasoo uu hore u dhamaaday qandaraaskiisii kooxda PSG ee dalka France wuxuuna xidigaan dib ula midoobay macalinkiisii hore ee kooxda Inter ee Jose Mourinho.

War rasmi ah oo ay soo saartay Manchester United ayaa lagu yiri “Manchester United waxay ku faraxsan tahay iney ku dhawaaqado saxiixa weeraryahanka Swedish ka ah ee heerka caalami ee Zlatan Ibrahimović.

“Ibrahimović oo jira 34 sano ayaa u saftay in ka badan 180 kulan kooxda Paris Saint-Germain, wuxuu u dhaliyay 156 gool, wuxuu ku guuleystay horyaalada afar wadan oo kala duwan tan iyo markii uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Malmo sanadii 1999. Zlatan ayaa matalay qarankiisa 116 jeer, wuxuu u dhaliyay 62 gool, ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha caalamiga ah bishii hore”.

Zlatan Ibrahimović ayaa yiri isna “Waxaan xaqiiqdii ku faraxsanahay inaan inaan ku biirayo kooxda Manchester United waxaana sugi la’ahay inaan ka ciyaaro  Premier League. wey iska cadahay ineysan hadal u baahneyn inaan la shaqeeyo markale Jose Mourinho, waa macalin fantastik ah waxaana diyaar u ahay cutubkaan cusub ee xiisaha leh, waxaan ku soo raaxeystay waayaheyga ciyaareed xili horeba waxaana heystaa xusuuso waa weyn waxaana haatan diyaar u ahay inaan haatan  xusuuso kale ka abuuro England.”

Zlatan-300x300 (1)

Jose Mourinho ayaa isna yiri “Zlatan uma baahna in cidna loo sharaxo, xaqiiqda iyadii iskeyd u hadasha, Ibra waa mid kamid ah weeraryahanada ugu fiican aduunka waana ciyaariyahan marwaliba kooxdiisa siiya 100%, wuxuu ku soo guuleystay horyaalada ugu muhiimsan aduunka haatana wuxuu heystaa fursad uu kaga ciyaaro horyaalka ugu fiican aduunka waana hubaa inuu ka faa;ideysan doono fursadiisa uuna si adga u shaqeyn doono si uu nooga saacido hanashada koobab waa weyn,  waxaan hubaa in tayadiisa ay farxad galin doonto jamaahiirta Old Trafford xili ciyaareedka danbe halka khibradiisa ay muhiim u noqon doonto inuu horumarin ku sameeyo da’yarta kooxda”.

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe