NATIIJADII SHIRKII MBAGATHI IYO HALGANKA AAN QARANIMMADEENA UGU JIRNO! (Q-III). W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Wuxuu ka sheekeeyay rajo xumo faro badan, wuxuu aad ula yaabay arrimaha ay dadkaan isku hayaan oo sidii qof is la hadlay anigoo aan wali ka dhaqaaqin ku cel-celiyay ” Bal dad isku haya beel hebel side beesheenna uga badantahay, maxaa xal u noqon kara? Dad intaas keliya isku nacay oo col ku ah maxaa loogu gar qaadi karaa?! Maxaa lagu heshiisiin karaa? Diin iskuma haystaan oo dhammaantood waa isku diin oo waa muslim, dhammaantood waa sunni, waa isku af, waa isku dhaqan,sinji ahaan waa mid.” Oo inta i soo eegay malaha weydiin u muuqatay oo uu garowsaday i weydiiyay ” bal aan adiga aan ku weydiiyee nimanka qabqablayaasha ah ee waxaad aragatay isku haya ma filaysaa inay wax kale isku af garan karaan?!” oo inta igu soo laabtay si aad moodo inuu igu lug darsanayo yiri “Soomaaliya arrinteeda ma dhowa!”

Waxa uu sheegayo wax igu cusub ma ahayn, waliba aniga qof ahaan waxaan arkayay dhaqanka ay qabqablayaashy leeyihiin oo run ahaantii ay yarayd wuxuu isaga ka fahmi karo, hasa ahaatee wax kasta uu ii sheegayo waxaan ka bidhaansanayay baaxadda dhibaatada ay nimankaas u geysteen dalkii siday qotadeeda u dheertahay, iyo waliba sida aysan qaarkood u ogeyn waxa ay geysteen.

Waxay ila noqotay maadaam uu xog xaqiiqada u dhow ka ogyahay nimankan (Qab-qablayaasha) inaan weydiiyo dhowr su’aal oo intaan is arkaynayba hadaladiisa iiga dhex muuqday, anigana aan dareemay inaan ladayn ilaa uu jawaab iga siiyo, wuxuu mar kasta i tusayay inaan wax rajo ah laga qabin inay nimankan heshiiyaan ama wax xal ah ay wada jir u gaaran, wax kast oo uu ka sheego waxay ahaayeen quusasho ku dhamaanaysa dhimasho iyo baaba’a Soomaaliya,”Haddii aad sidaas ugu rajo xuntihiin maxaad shirka ugu qabanaysaan?” baan weyddiiyay, si fudud oo kooban buu iigu jawaabay ” Dadka lagama quusto, waana isku dayeeynaa inaan heshiisiino” .

Cabbaar yar oo aamusnaan ah oo aan afkiisa ka dhowrayay sharaxaad intaas badan baan hadana weydiiyay ” Laakiin waxaad moodaa wax kasta oo aad sheegto iyo natiijada ka soo baxday xaqiiqo raadintii aad samayseen inaad mar horaba quus ka joogtaan nimankan, marka ma waxaad u malaynaysaa in qaab mucjizo oo kala ah wax wanaagsan ay ku imaanayaan mise waxaa jira tilaabooyin kale oo aad ku talo gasheen oo idin qarsoon?” intuu qoslay buu taabtay boorso garabka ii surnayd oo i weydiiyay ” adiga ma wax baad iga duubaysaana?” oo inta qoslay yiri ” Waxaysan iyaga samaysan oo mucjizo ah shirka kama soo bixi doonaan, laakiin annagu kaalinteena way caddahay, waxaan siinaynaa talooyin, waxaan leenahay xeel-dheerayaal la furdaamiya wixii maarrayn waayaan oo ka hor yimaada, dhabcan way jiraan qorshayaal kale laakiin waqtigooday leeyihiin.”

Anigoo mar walba iska ilaalinaya inuu saaxiibkay weydiimahayga ka caroodo maadaama uu diiday waraysi rasmi ah inuu bixiyo aadna moodo inuu ku faraxsanyahay qaabkaas wada sheekaysiga ah, baan weydiiyay ” IGAD ama Afrika oo keli ahaan shirar noocaan oo kale natiijo wax ku ool ka soo saara lama arag, marka ma jiraan dowladaha horu-maray cid aad taageero ka haysataan oo aad gacan ka helaysaan?” isagoo aad moodo inuu weydiinta dhibsaday, codkiisana xoojiyay laakiin wali ilkaha cadaynay, “Qarni cusub baa la galay, mid waan kugu raacsanahay arrimaha Afrika banaankaa laga xalin jiray, laakiin maanta waa qarni cusub, waa Afrika cusub, shirkana waa shir ay Afrika keligeed qabatay, waa jiraan dalal badan oo aan ku marti qaadnay oo aan Afrika ahayn waana inta saamaynta ku leh arrimaha Soomaaliya”.

Waxaan xasuusiyay weedhiisii “Soonka 20aad oo colaaddu sideedii tahay isna hadaad nooshahay waad arki doontaa haddii aysan ka xummaan!” markaasaan weydiiyay “Maxay tahay fiicnaanta la rajayn karo dhibaato 12sano socotay haddii aad tiri ilaa 26sano ayeey gaaraysaa?!”in yar buu iga aamusay isagoo indhaha aad moodo siduu ii fiirinayo inuu iga dhex bixiyay, oo inta wajiga bariir u yeelay oo carabka mar-mariyay bishinta, sidii qof hoos wax iigu sheegaya cod gaaban igu yiri ” kaalay adigu ma waraysi baad iga qaadaysaana? Ogow yeeynaan isku khaldamin, labo nin oo saaxiibo ah oo sheekaysanaayaan nahay, waxaan ku siinayaa xogta runta ah ee dalkiina ka jirta marka aan isku ixtiraamno waxa aan kugula hadlayo ma aha xog aan saxaafadda ugu talo galay, laakiin hadalkaas waa sidaan kuu iri, kamana noqonayo, waxaan waliba kugu darayaa haddii ay sidaan ku sii socota Soomaaliya dunidaa xal ka gaaraysa!”

Dunida waa tee, Beesha caalamka waa ayam ma dad gaar ah oo loo yaqaan baa jira? Annaga Soomaalida ah, marka uu sidaas leeyahay ma na laga reebay?! Magacyadan ma moodaa in wax badan oo la huurinayo ay ku dhex jiraan?! Markaas baan weydiiyay ” dunida shirar badn oo kan ka horeeyay bay u soo qabatay kooxaha Soomaalida muxuu kan muhiim u yahay oo uu kaga duwanyahay kuwii ka horeeyay?” wuxuu yiri “su’aalo badan waqtgaa ka jawaabaya, laakiin waxaan kuu hubaa waan is arki doonaayee in haddii kooxaha Soomaalida ah wax xal keeni waayaan ay dunida xal ka gaarayso!”

Beri la soco…