Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halganka aan qaranimmadeena ugu jirno! (Q-II) Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

 Wuxuu yiri “waan ka xumahay inaan sidaas ku iraahdo waxaanse ka cabsanayaa labaatan sano iyo ka badan in dadka Soomaaliyeed argagaxaas k u soomaan!” waa Soonkii lix iyo labaatanaad oo wali dadka Islaamka ah ee walaalaha ah ee Soomaaliyeed aysan nabad ku Soomin, waa arrin naxdin leh, waa arrin laga murugoodo, waa muddo la eg muddadii, halgankii gobanimada u dagaalanka ee Sayid Max’ed Cabdille Xasan uu la galay guumeystihii Ingiriiska, laakiin kuwa dagaalka ka wada Soomaaliya lix iyo labaatankaas sano yeey la dagaalamayeen?!. Soomaali, mayee Maraykan, mayee Amxaaro, mayee AMISOM…
 
    Hadal sir ah miyuu ahaa? Diplomat-kaas sheekada ina dhex martay wuxuu ahaa nin ka mid ahaa ergooyinka Soomaaliya loogu diray inay qab-qablayaashii dagaalka ku soo qanciyaan inay ka soo qayb galaan shirkii dib-u-heshiisiinta 2002-2004-ta  ka socday dalka Kenya, Waxaan markii hore ugu imid inaan ka waraysto socdaalkii xubnihii uu ka midka ahaa iyo wixii ay kala soo kulmeen, laakiin markaan kulanay buu si carro badan ku jirto ii yiri “Maxaad iga soo doontay, ma kuwii aan soo arkay baad ka duwantahay?!” weydiinta yaab bay igu noqotay, xoogaa baan yaraha anigana dareemay xanaaq,  oo si kulayl yaraha ku jiro baan iri ” Aad baan uga xumahay su’aashaada, mana garan ujeeddada aad leedahay.” Markaasu inta is bedelay oo in yar dibnaha furay yiri “waan ka xumahay, balse wax kastooy ahaataba adiga igama mudnid inaan sidaa kuula hadlo” 
 
Waxaan fariisanay meel soo dhoweynta loogu talo galay oo fadhi ah oo qiyaastayda xafiiskiisa gudihiisa ahayd, “ma waxaad u socotay inaad i waraysato? Wax walba waa sidoodii haddii aysan ka sii xumaanna, wax ka soo roonaan ah sooma arag” ayuu yiri isagoo salka sii dhigaya meeshuu fariisan lahaa, anigoo la socda hab dhaqankiisa diplomat-siyadeed iyo sida uu u bedelay qaabkuu hadalka iigu bilaabay baan iri “waxaan jeclaan lahaa bal inaad noo sheegto, yaa shirka diiday yaase idinka oggolaaday?” 
 
Wuu sara joogsaday oo boorsadii agabka iigu jiray iga qaaday, oo yiri “iga raali ahow makiinadaha sawirka iyo duubista aan dhigo meel innaga durugsan” anigoo la yaaban dhaqankaas igu cusub  laakiin aan muujinayn yaabkayga ” waa hagaag, laakiin markaan u baahdo sawirka iyo codkaba waan kaa qaadi doonaa”  wuu qoslay oo fariistay, oo inta xaashiyaha laysku tiro oo miiska saarna wajiga iska mar-mariyay yiri ” horta warka aan ku leeyahay mid saxaafadeed ma aha, haddii aad sheegtana magacayga ma isticmaali kartid, laakiin waxaan kuu sheegayo ma aha wax aad moogtahay ee waan hubaa adiga iyo kuwa kula midka ahba waad ogtihiin…” waxaan aad ula yaabay weedhaha uu hadalka iigu furay, waxaana i gashay feejignaan dheeri ah oo intii hore ka badan, oo si aan aad u danaynayo hadalka uu soo wado intaan dhankiisa u soo kurkuursaday iri “Waa gartay” in qaddar ah buu iga aamusay, oo kursigii uu ku fadhiyay kolba xusul mutay, oo sidii nin afka iska tirtiray inta faraha ku marmaray dibnaha i yiri “maxaad cabaysaana?”  anigoo dhereraya weynaanta warka uu soo wado baan si kooban ugu jawaabay ” waad mahadsantahay, waxba ma cabayo.”
 
Wuu sara kacay oo biyo qabow kala soo baxay talaajad yar oo meel aan naga fogeyn qotontay, wuxuu bilaabay inuu si tartiibtartiib ah biyihii u kabbado, marmarna cantuugo afka buuxsado,  siduu biyihiisa u kabkabanayay buu mar dambe isagoo kursigii uu kor taagnaa isku tuuraya yiri “Aah! Xaqiiqdii wax aan kuu sheego ma aqaan, laakiin seddex calaamadood oo halis weyn ah oo aan ku soo arkay Soomaaliya baan kuu sheegayaa ha i magacaabin” anigoo ka baqaya inuu is bedelo oo uu ka noqdo wixii uu ii sheegi lahaa baan iri ” Waa side? shaqadeena oo dhan waa ammaano, haddii aan huri waayo warka aad ii sheegto inaan sheegana adiga magacaaga sheegi maayo”  intaas markaan iri buu aad u qoslay oo yiri ” horta waxaadan ogeyn kuu sheegi mayo, maanta bisha Oktoobar waa 12, sanadkuna waa 2002, shirkii aan qabanqaabinaynay 3casho ka dib buu ka bilaabnayaa Eldoret, waxaana rajaynayaa in dhammaan siyaasiyiintii la casumay ay ka soo qayb geli doonaan, laakiin qaar baa innaga codsaday inaan shirka dib u dhigno oo uu qabsooma ramadaanta ka dib,  ramadaankana wuxuu ku beeganyahay 7da bisha soo socota ee November…” markuu halkaas marinayay baan ka dhex galay sheekadii oo inta ila badatay muddada dagaaladu socdaan baan iri  “sow ma ogid Soonkan waa kii 12aad oo ay dadka masaakiinta ah ee shacabka ah ku soomayaan dagaal iyo colaad?”  intuu in yar dhoolasaha muujiyay buu yiri  “Soonka 20aad, ama21aad  oo colaaddu sideedii tahay isna hadaad nooshahay waad arki doontaa haddii aysan kaba darin! waan ka xumahay inaan sidaas iraahdo, laakiin waa xaqiiqda”
 
Soonkii lix iyo labaatanaad! Yaa muddadaa gaarsiiyay colaadan?!  Saaxiibkaygii Diplomat-ka ahaa  muddadii uu ii sheegay waanu joognaa, si uusan uga bixin mowduucii uu furay baa waxaan xasuusiyay inuu ii sheego seddexda calamadood ee halista ahaa ee uu soo arkay. In yar buu iga aamusnaa, waxaan aad u dherersanaa inuu calaamadaha ii sheego, calaamado halis weyn ku ah aayaha dalka, mar dambe buu inta neef weyn qaatay yiri “Aad baan uga xumahay, runtii Afrikaanimaa i danqinaysa, laakiin waxaan idin tari karaa yar! Waxaan idin tari karo waa talo, talo iyo shirar la qabtaana Soomaaliya waxba kama tarayaan, waxaan u malaynayaa anigana waa sidii aan diyaaradda uga soo degay, saacad ka dibna waxaa layga sugayaa inaan beesha caalamka war-bixin ka siiyo socdaalkeenii aan Soomaaliya ku tagnay…”  oo inta gambaleel yar oo ku dhegganaa miiskaan fadhinay garaacay sara joogsaday, wax yar ka dib baa waxaa inoo soo galay nin iila ekaa inuu yahay ilaaliyihiisa shakhsiga ah, wuxuuna u sheegay inay aadayaan shir ay u balansanaayeen, sidaa aawgedna uu diyaariyo gaarigii ay raaci lahaayeen.
 
Aniga oo wali aamusan kana cabsi qaba inuu iga tago anigoo aan ka helin seddexdaas qodob buu si dhawaq sare ah mar keliya la soo booday ” Waxaan kaa iloobay, Muqdisho baan tagnay annagoo ah guddigii xaqiiqo raadinta iyo kii qaban-qaabinta shirka, laakiin magacyo ha i weydiin, shalay waxaan la kulanay labo ka mid ah qabqablayaasha Muqdisho, maantana waxay ahayd inaan la kulanno labo kale, maxaa dhacay baad u malaynaysaa? Wareer!  Markaan kii kowaad la fariisanay baa waxaa ina soo wacay midkii kale ee aan u tagi lahayn markaan kan kowaad ka dhamaysano,  oo muxuu leeyahay ma taqaan aniga idin ma arkayo side bay ku dhici kartaa inaad beel keliya aad seddex siyaasi ka aragtaan aniga beeshaydana aad keligay iga aragtaan?! Amakaag baa nagu dhacay! Yaaba warkaas u fadhiyayba, kaaga daranee markii aan niri qof  beeshiina ah keen oo aan idin wada aragno waaba xanaaqayba, oo muxuu leeyahay ma taqanaa anigaad rabtaan inaad hoggaamiye kale iga dhinac samaysaan sow ma aha?!  awalba guumeystayaal baad ahaydeen oo telefoonkii nagu damiyay…” oo inta hoos u foororsaday oo madaxa bidix iyo midig u ruxay yiri ” Qabqablayaasha! A-aah  waxa ay rabaan cid fahmi kartaa ma jirto, waan raadinay, meeshii uu degganaa baan ugu tagnay irriddii baa laynoo diiday inaan dhaafno, mar dambe baa waxaa inoo yimid nin laynoogu sheegay inuu isaga la shaqeeyo innagoo wali irriddii taagan, oo isagoo aan si fiican inoo salaamin, meeshii aan taagnayn hadal canaan ah innagu bilaabay, oo muxuu ina leeyahay ma taqaan?… waxaad aaminsantihiin waa naqaan, annaga nimankaas beel ahaan innagama badna, kaalay horta ma adinkaa dadka soo tiriyayna, xaq miyaa inay seddex hoggaamiye yeeshaan annagana aan hal hoggaamiye yeelano, wixiinoo dhan baa musuqmaasuq ah!… dhaar, cay, hanjabaad inaysan shirka ka soo qayb galayn, hadda markaan diyaaradda ka soo degay baan helay fax ay innaga soo daba direen oo ay leeyihiin diyaar baan nahay ee berri aan is aragno, adiga marka waxaad yeeshaa berri markaan iyaga ka soo laabto aan kuu waramo”.
Beri La Soco….