Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halganka aan qaranimmadeena ugu jirno! W.Q: Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

Rammadaan Mubaarak! Hambalyo, waa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waa bishii waxyiga, waa bishii cibaadada, waa bil ninkii isagoo nool oo caafimaad qabaa ay si fudud ku dhaaftaa oo aan waajibaadkeedii gudan uu khasaaray, waa bishii qura’aan aqriska, waa bishii saddaqada, waa bishii guulaha, waa bishii Beder! Waa bishii wax-barashada; aqrinta iyo qorista, waa bishii kunka bilood ka khayrka badnayd, waa bishii sagaalaad ee sanadka hijriga ah…..Somaaliya, Soonkii  habeenka iyo maalintiisa isla ekaayeen, nabaddii iyo darmihii goglanaa banaannada, Allow Soonku quruxsanaayaa!….

Hambalyo marka aad tiraah waxaad dareemaysaa xanuun, waxaa aad u yar farxadda aad dareemayso,waxaa labaatan iyo lix sano dadkii Islaamka ahaa ee Soomaaliyeed ay ku soo soomayeen argagax iyo iyaga oogsan aan dareemin raaxada bisha soon-qaad iyo farxad ciideeda midna…sanadkii 2002dii, ayaan wazaaradda arrimaha dibadda Kenya kula sheekaystay nin ka mid ahaa koox Guddiga Xaqiiqo Raadinta Soomaaliya loogu yeeri  jiray, oo gobollada Soomaaliya socdaal ku kala bixin jirtay, kooxdaas oo ka koobnayd  diplomatsiyiin dalal kala duwan ka socday oo isugu jiray khubaro  ninba ku xeel- dheeryahay hawlo gaar ah si ay qiimayn ugu soo sameeyaan isla markaasna u soo ururiyaan xogo la xiriira;  ciidan iyo hub cududda dalka ka jirta inta ay la egtahay, qaybaha siyaasadda  isaga soo hor jeeda iyo awoodda mid kasta ay leedahay, nolosha  guud ee dadka, adeegyada jira iyo kuwa baaba’ay!…

Marka aad dhab u fiiriso Guddiga Xaqiiqo Raadinta waxay ahaayeen basaasiin la cilmiyeeyay oo dhaqan ahaan la kulmaya Qab-qablayaashii –Dagaalka, Siyaasiyiintii, iyo dad-weynaha iyagoo u sii maraya waxa loogu yeero Bulshada-Rayadka ah. SHirkii kooxaha Soomaaliyeed loogu qabanayay Eldoret  Oktoobar 15, 2002, intaan loo soo wareejin Mbagathi ayaa inuu qabsoomo  waxaa ka dhinnaa 3 ama 4 casho, sidaasoo kale waxaa foodda innagu soo hayay bishii Ramadaan, ninkii diplot-ka ahaa baan ku iri “Waa soonkii 12aad oo dadka Soomaaliyeed ay ku soomayaan , colaado iyo argagax” intuu in yar dibnaha furay oo madaxa ruxay ayuu yiri “ Waan ka xumahay,  waxaanse ka cabsanayaa labaatan sano iyo ka badan in argagaxaas ay dadka Soomaaliyeed ku soomaan!” labaatan sano iyo ka badan…..

Waxaan garanayaa caasimadda Muqdisho iyo inta badan magaalooyinka  koonfurta dalka ku yaala oo ay saxuurta u kiciyaan kooxo durbaano wata oo dheelaya ciyaaraha inta badan koonfurta  ay caanka ku tahay, oo kolba guri hortiisa istaagaya, oo caruurta xaafadda ay daba yaacayso, oo aysan jirin wax cabsi ah ama  askar ilaalinaysa,  waxaa ii muuqda Xamar oo ay dhalinta misaajidka taraawiixda ku soo tukatay ay waqti dambe guryahooda ku soo laabtaan iyagoo mushaaxay oo sheekaysanaya!…Maqaayadaha waaweyn oo irridaha u furanyihiin iyadoo aysan jirin cid waardiye ka ah….

Waxaa wali qalbigaygu sawiraa odayaashii markay af-furaan aqallada hortooda ku caweysimi jiray iyadoo cunto iyo cabbitaan dhulka oo dhan goglanyahay, waxaan aad u xasuusnahay inta bishaas Soon lagu jiro in masaakiintu aysan qadi jirin, oo dad badan baa qabay in Nabi Khadar uu miskiin iska soo dhigayo oo haddii aadan waxba siin miskiinka ay tahay adigoo qadiyay marti sharaf badan ama laga yaabo inuu habeenkii Qadarka sidaas aad ku seegto!…dad badan oo tujaar ah ayaa iyagana misaajidda cuntada keeni jiray ama masaakiinta ugu talo geli jiray af-fur!…Soonkii  Beri-Sammaadkii mindhaa maalin kasta tii ka horeysay baa ka Beri-Samaadsanayd…

Waxaan arki jiray Islaamaha oo Af-furka cunto intay qaadaan xaafadaha deriska ah kula wareega oo hadba maacuun daboolan irridaha la hor istaaga, waxaan arki jiray shaqaalaha oo marka ay shaqada ka soo baxaan suuqyada khudaarta iyo kawaannada hilibka oo ninba rabo inuu midka kale ee saaxiibkii ah wixii uu ku af-furi lahaa u iibiyo”Walaahay anigaa gadaya! Mayee wallaahay anigaa gadaya.” Wuxuu Soonka ahaa xilliga keliya ee la hubo ee guri kasta laga cunno miraha, sida; Mooska, Cambaha, Babaayga, Liinta, Qaraha,…. Waxaa intaas dheeraa xilliga uu soonka ku soo beegmo, xilliga bisha Soon inta badan Muqdisho waxaa ka da’i jiray roobka xagaaga ee aalaaba ka da’a xeebaha koonfureed ee dalka, wuxuuna Soonka u yeeli jiray midib la jeclaysto oo huwan cadarka daruuraha, iyo roob aan onkod iyo hillaac midna lahayn iyo waliba qabow aan dhaxan badan lahayn ah.

Xasuus xanuun badan, macaan badan!… Yaa Allaah!Waa lix iyo labaatan sano ka hor, ilmaha labaatan jirka ee dalkii ku nool sooma marin soonka aan ka soo sheekeeyay noociisa, nolol ahaan iyo dhaqan ahaan midna, waxaa sidaasoo kale ka maqan tayo kasta oo ay ummadda Soomaaliyeed dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan lahayd, dadka uu ka dhashay ee Soomaalida la yiraahdo caadadooda iyo dhaqankooda wuxuu u haystaa inuu yahay in lays dilo, lays dhaco xoog laysku maquuniyo, wax kale kama yaqaan, labaatan iyo lix sano oo colaad iyo argagax ah oo la xalaalaystay dhiigii dadkii Islaamka ahaa, dadkii Soomaaliyeed ee muslimiinta wanaagsan ahaa, 16sano Dagaal-oogayaal iyo qab-qable siyaasadeed, iyo 10sano oo dowlad maqaar saar ah, niman magacyo islaam huwan; Maxaakim, Al-shabaab, Xizbul-islaam iyo Ahlu-sunnah….”Soonku waa bishii Jihaadka, waa bishii gaalada lagu jebiyay Beder, marka bishaan dagaalkeena iyo Jihaadka aan ku jirno waan laba jibaaraynaa.” oo yaa lagu jihaadayaa?! ma qof sidaadoo kale sooman?…

Dowladda federal-ka ah ha u sheegto xulufadeeda inay ixtiraamaan dad-weynaha Islaamka ah ee sooman, waliba qaybaha is hayaa ha u oggolaadaan mujtamaca sooman inay nabad gelyo ku cibaadaystaan kuna adeegtaan, kolayba waa hubaal oo soonka aan ka soo sheekeeyay oo kale heli maayaanee ha loo oggolaado inay soonka u gutaan si nabad gelyo ah….Waxaa xusid gaar ah mudan in dad badan oo Bar-Kacayaal ah laga helay meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, waxaa xusid mudan in qaxooti muslimiin ah oo Yemen ka soo qaxay ay joogaan gobollada Puntland iyo Somaliland oo haddii aan loo gargaarin uu Soonku culays ku noqonayo

Allaha Khaaliqa ah “subxaanahu wa-tacaalaa” oo Abuuraha iyo kan iska leh wax kasta oo jiraa, waxaa in naf Islaam ah xaq darro lagu dilo kala fudud in aduunka iyo waxa ku dhex jiraa la duuduubo, waa xadiith saxiix ah, marka nimanka xilalka sheeganayoo shacabka muslimka ah ee dadkiina ah ee xuquuqda aad kala mudantihiin Ilaahay uga cabsada, waa soonkii lix iyo labaatanaad… soonkii lix iyo labaatanaad ee dadka Soomaaliyeed cadaab aad sabab u tihiin ay ku soomayaan…Waxaan Alle ka baryayaa nabad iyo barwaaqo in Islaamka iyo Somaaliya ku soomaan, “Aamiin”

Beri la soco…