Shirka madasha wadatashiga qaran oo lagu wado in maanta lagu soo afmeero Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada Dalka ayaa maanta lagu wadaa InLagu soo Gabag-gabeeyo Magaalada muqidsho ee Casimada Dalka  soomaaliya.

Shirkaan oo lagu falan qeeyey  labadii maalmood ee ugu danbaysay Qodobo dhowra, ayaa la sheegayaa in lagu heshiiyey inta badan qodobadii laga dooday, kuwa dhimana madaxdu ay  Maanta dood ka yeelan doonaan.

Afyaheenka Madaxweynaha soomaaliya Dau’uud aweys oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxda Ka qebgaleysa shirka inta badan isku afgarteen qaabka Doorashada  Uga dhici laheed  casimadda  soomaaliya Iyo casimaddaha maamulada Dalka.

Ugu danbeyntii Madaxda Dowlada soomaaliya iyo kuwa maamulada ayaa La filyaa inay manta Go’aan wadajira kasoo saaraan qodobada lagu heshiiyey.

Puntland Post