Madaxweynaha dawladda Puntland oo kulan laqaatay Madax ka socotey hay’adda MSF

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Mudisho ayaa galabta xarunta  Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiin ka socotey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Madaxweyaha iyo Masuuliyiintii ka socotey hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada caafimaad ee ay hay’adda MSF ka fuliso Puntland isla markaana loosii ballaarin lahaa barnaamijyadaasi caafimaad si loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh guud ahaanba gobollada.

Mas’uuliyiintii ka socotey Hay’adda MSF ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta kala dhexaysa Puntland, isla markaana waxay ammaaneen nabadda iyo xasiloonida k ajirta Puntland, sidoo kalena waxa ay  ballan qaadeen in ay  dhowaan  kusoo kordhin doonaan qaybo kamid ah  xarumaha caafimaadka ee Puntland goobo si gaar ah loogu talo galay xannaanada hooyada iyo dhallaanka.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey hay’adda MSF shaqada muhimka ah ee ay u qabteen shacaka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu ku boorriyey in ay sii laba jibbaaraan dedaalkooda.

Ugu damayn Madaxweynaha dawladda Puntland aya sheegay in ay dawladda Puntland la shaqayn doonto  hawl-wadeenada hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF  si’ay  bulshada u gaarsiiyaan adeeg caafimaad oo tayo leh.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
12f3fc7e-c95e-485b-b50d-6095e357f83a 1870c626-6ecf-4433-9ad7-28771895b236 cc3c7386-4321-41b7-8c86-8cdfe61dc6f2 eba436c8-941b-46ed-bd9d-fd19c4a1b8e2