Dhamaan Sanaadiiqdii imtixaanaadka Puntland oo si Nabdoon Loogu Soo Celiyay Wasaarada Waxbarashada

Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa soo gaba gabaysay  26/May/2016- Imtixamadkii gobolada puntland oo dhan isagoo Jawi nabdoon  ku soo dhamaday.

Wasiirka  wasaarada waxbarashada  ayaa sheegay in ay Dadaalo farabadn ay Wasaaradu ugu jirataa imatixanka waxuuna u balan qaaday Aradyda inay helayaan deeqo waxbarasho oo kala duwan kuwa ku guulaysata kaalamaha hore.

Wasiirka  ayaa sheegay in uu Imtixaanku ka dhacay dhamaan gobalada Puntland sidookale sheegay inay yihiin 90 xarumood oo ku kala yaala deegaanada puntland.

Wasiir- ku xigeenka  wasaaradda Waxbarashada iy tacliinta sare ee Puntland ayaa kula dardaarmay muraa qibiinta inay si wanaagsan uga qayb-qaataan imtixaanka isagoona guul u rajeeyey ardayda Imtixaanka u fariisatay.

Dr Maxamed Cali  Faarax iyo Abdulqaadir  Yuusuf Nuux  kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa dhamaan waxay Tageen  Goobaha Waxbarashada imtixaanku ka socdo iyagoo u guurgalay xaladaha imtixaanka.

Tirada guud ee Arday Dugsiyda sare ayaa ahayd 3304
wiilal: 2143
gabdho:1161
Tirada guud Ardayda dusiyada dhexe 7813
wiilal 4779
gabdho 30034

sidoo kale waxaa hanbalyo diiran u dirtay Wasaaraddu shaqaalaheda kuwa Gobolada iyo   degmooyinka shirkada Golis oo qayb wayn ka qaadatay imtixaankii celiska ahaa ee fasalka  8aad oo ardayda loo daabacay iyadoo deegaanada fog fog ka cawisay imtixaanka  copyga iyo layrka.

Dhanka  kale, wasiir  ku -xigeenka  Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax iyo  Kormeeraha guud c/Qaadir yuusuf Nuux  ayaa kormeeray dugsiga sare ee Al-Ashar ee magaalada Qardho , halkaas oo uu kula kulmay macalimiinta iyo ardayda kala duwan ee waxbarashada ku jira, iyagoo la qaatay kulan wax ku ool ah ee waxbarashada.

m7

w2

w3

w4

w6

w8

w9

w12

w15

w16

w17

w19

m1

m3

m5

m8

w16

w18

w22
PUNTLAND POST