Warbixin: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Puntland oo Saaka la dhaariyey

Waxaa maanta 28-May-2016 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Wasiir ku-xigeenka Caddaadda Puntland Yuusuf Bootaan Ciise oo dhowaan uu xilkaasi u magcaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasabadda dhaarinta Wasiir  ku-xigeeka Caddaaladda dawladda Puntland ayaa waxay ka dhacday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi  Xaaji Cumar  Camey ayaa dhaarinta ka dib kula dar-daarmay Wasiir ku-xigeenka in uu shaqadiisa daacadnimo u guto isla markaana la yimaado dedaal dheeraad ah si loo sii dar-dargeliyo arrimaha caddaaladda.

“waxaan kugula dar-daarmayaa sida aad u dhaaratay in aad xilkaaga u gudato, lana timaadid dedaal iyo daacadnimo dheeraad ah, isla markaana aad ka fogaatid waxkasta oo kaa weecinaya gudashada  waajibaadkaaga ”ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Eebe uga baryey Wasiir ku-xigeenka in uu u fududeeyo xilkaasi  culus ee loo igmaday , isla markaana uu kadhigo mid wax badan kusoo kordhiya Wasaaradda Caddaaladda Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta ee Puntland.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA. HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLANDIMG_9867