Madaxweynaha dawladda Puntland oo safar shaqo ugu Amba baxay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta  28-May-2016 ka amba baxay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee kanooko ee duleedka Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka shir looga hadli doono dhamaystirka shirarkii muddada dheer soconayey ee Madasha wadatashiga iyo dedaalada loogu jiro hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in rajeynayo shirkaasi in uu ka dhigo mid ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda dawladnimo, xasilooni iyo kala dambayn isla markaana sabab u noqda dhabbihii lagu  gaari lahaa qaranimo soomaaliyeed oo taabba gal ah.

Ugu dambayn Madaxweynaha ay ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan ammaanka iyo xasiloonida ka jirta Puntland isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ammaanka  si loo sugo nabad gelyada guud ee dalka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND
IMG_9874 IMG_9876 IMG_9882 IMG_9886 IMG_9889 IMG_9891 IMG_9893 IMG_9907 IMG_9910 IMG_9911 IMG_9913