Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0J1A4789Muqdisho(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa galabta soo gaaray magalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wafdiga Gaas waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah labada golla ee xukumadda iyo Baarlamaanka iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Puntland oo horay ugu sugnaa Muqdihso.

Soo dhaweynta Dr.Gaas iyo masuuliyiinta la socota ka dib waxay warbaahinta kula hadleen qaybta nasashada ee Aadan Cadde, waxaa hadalka ku horeeyay wasiirka Duulista hawadda DFS Cali Axmed Jaamac (Jeengalli) wuxuuna sheegay socdaalka wafdiga inuu qayb ka yahay shirka madasha oo ka furmaya magalada Muqdisho.

Madaxwayne Cabdiweli Cali (Gaas) ayaa sheegay inay ka qayb galayaan shirka madaxwaynayaasha mamuladda iyo kuwa DFS oo Muqdisho ka furmaya kaasoo looga hadlayo geeddi socodka iyo hanaanka doorashada 2016, wuxu sheegay inay muddo saddex cisho ah ku suganaan doonaan magalada Muqdisho, kaddibna ay dib ugu laabanayaan Puntland.

Wafdiga Gaas waxaa ka horeeyay wafdi kale uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna sidoo kale u yimaadeen Muqdisho ka qayb galka shirka madaxda.
0J1A4653

0J1A4659

0J1A4660

0J1A4663

0J1A4664

0J1A4678

0J1A4682

0J1A4686

0J1A4688

0J1A4690

0J1A4694

0J1A4699

0J1A4704

0J1A4707

0J1A4712

0J1A4715

0J1A4718

0J1A4723

0J1A4728

0J1A4732

0J1A4736

0J1A4754

0J1A4755

0J1A4758

0J1A4759

0J1A4761

0J1A4764

0J1A4769

0J1A4775

0J1A4778

0J1A4779

0J1A4781

0J1A4785

0J1A4789

0J1A4791
PUNTLAND POST