Shir ku saabsan arimaha Doorashada oo madaxda Soomaalida uga furmaaya Muqdisho

Muqidho(Puntland Post)-Madaxda Maamulada Dalka ayaa ku qul-qulaaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaas oo maalinka Beri ah uu ka furmi doono shir lagu falaqaynaayo Doorashada sanadkan ka dhici doonta Dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu halkaas u tagey sidii uu uga qayb geli lahaa Shirka Qaran ee ku saabsan arimaha Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa la filayaa inuu goor dhow gaaro Magaalada Muqdisho si uu goob joog uga ahaado shirka la filaayo inuu ka qabsoomo Muqdisho.

Shirkan ayaa daba jooga shirar hore oo ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu dejiyey hanaanka Doorashada Dalka, wuxuuse kusoo aadaya xili aan la ogayn halka uu ku danbeeyey Shir la sheegay in lagu qaban doono Magaalada Garowe lagagana hadli lahaa dib u habaynta Dastuurka Dalka.

Puntland Post