Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Maraykanka

Washington(Puntland Post)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Danjire Axmed  Ciise Cawad ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Maraykanka, isla markaan uu Dalkaasi qorshaynaayo inuu dib ugu soo celiyo Dalkooda Soomaaliya.

Axmed Ciise ayaa sheegay inay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Maraykanka ay kor u dhafayaan 20 ruux, ayna Dawlada Maraykanku dhawaan qorshaynayso in qaar kamid ah dib loogu celiyo Soomaaliya, maadama ay waayeen ogolaanshihii ay ku heli lahaayeen deganaashaha Maraykanka.

Danjire Cawad ayaa intaas ku daray inuu dhawaan xabsiga magaalada Miami ee gobolka Florida ku booqan doono, si uu usoo ogaado Mar xalada xabsigaas ku haysata dhalinyaradaas Soomaaliyeed.

Mid kamid ah dhalinyaradaas ayaa ka codsaday Safaarada Soomaaliyeed ee Maraykanka inay ku daadasho sidii ay uga hortagi lahayd in lagu celiyo Soomaaliya, oo hadii ay dhacdo ay kala kulmi karaan Khataro fara badan, sida uu sheegay.

Puntlalnd Post