Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo Garowe Kaga Qayb Galay Munaasabadda Xuska 25-aad oo ku beegan Markii xukunka laga tuuray taliskii Itoobiya ee Mingiste

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa caasimadda Garoowe  kaga qayb galay munaasabad lagu maamuusayay 25-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay qawmiyadaha Ethiopia iska dul qaadeen xukunkii kaligii taliska ahaa ee Mingiste Xayle Maryam, kaasi oo sanado badan xukumayey ethiopia.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabsiay qunsuliyadda Dawladda Ethiopia ay ku leedahay Puntland gaar ahan caasimadda Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Jaaliyadda ethiopia ee ku nool Puntland, aqoon yahano, odayaasha dhaqanka, arday, haween iyo qaybaha kale ee bulshada, waxayna dhamaantood farxadda iyo damaashaadka la qaybsadeen qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopia oo 25-sano kadib u dabaal degaya horumarka ay ku tallaabsadeen.

Qunsulka Dawladda Ethiopia ee Puntland Mudane Asmalaash ayaa madaxda iyo shacabka Puntland kusoo dhoweeyey maalintan aadka ugu weyn qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopia, wuxuuna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay farxadda ula qaybsadeen.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa shacabka iyo Dawladda Ethiopia kubogaadiyay horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen 25-sano kadib, waqtigaas oo ay iska tuureen xukunkii kaligii taliska ahaa ee Mingiste Xayle Maryam.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_9533 IMG_9537 IMG_9539 IMG_9547 IMG_9548 IMG_9549 IMG_9551 IMG_9553 IMG_9556 IMG_9557 IMG_9558 IMG_9559 IMG_9563 IMG_9565 IMG_9569 IMG_9570 IMG_9573 IMG_9574 IMG_9575 IMG_9576 IMG_9578 IMG_9580 IMG_9581 IMG_9584 IMG_9588 IMG_9599 IMG_9600 IMG_9602 IMG_9605 IMG_9608 IMG_9611 IMG_9612 IMG_9613 IMG_9614 IMG_9615 IMG_9616 IMG_9617 IMG_9620 IMG_9622 IMG_9624 IMG_9625 IMG_9626 IMG_9632 IMG_9644 IMG_9646 IMG_9647 IMG_9648 IMG_9650 IMG_9657 IMG_9659 IMG_9662 IMG_9665 IMG_9666 IMG_9668 IMG_9670 IMG_9672 IMG_9681 IMG_9683 IMG_9684 IMG_9686 IMG_9689 IMG_9690 IMG_9692 IMG_9694 IMG_9699 IMG_9702 IMG_9706 IMG_9764 IMG_9768 IMG_9795 IMG_9802 IMG_9808 IMG_9810 IMG_9813 IMG_9818 IMG_9823 IMG_9824 IMG_9825 IMG_9827 IMG_9829 IMG_9832 IMG_9837