War Lagu Qoray warbaahinta Taageerta Xarakada Al-shabaab oo la beeniyey

War Lagu Qoray warbaahinta Taageerta Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo Kasoo Goostay Dowlada soomaaliya ay ku soo Biireen Al-shabaab.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa Qortay In ciidankaa aya ka soo Goosteen Ciidanka dowlada soomaaliya ee Ku sugan dagmada Baardheere Ee Gobalka Gedo.

Taliye Ku xigeenka dhanka aminiga Baardheere Guhaad Maxamuud macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay In warkaa uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Guhaad ayaa sido kale Xusay in Ciidanka Jooga nawaaxiga Baardheere ay Yihiin ciidan ay Gacanta ku hayaan.

Ilaa hada ma jirto Ilo ka madax banaan Al-shabaab iyo Dowlada soomaaliya oo Xaqiijinaya warkaa.

PUNTLAND POST