Kulan hor-dhac u ah Wadooyin iyo mashaariic kale oo Banka Aduunku ka fulinaayo Garowe oo ka dhacay Dawlada Hoose

Garowe-(Puntland Post) Kulan ay kasoo qayb galeen Madaxda Degmada Garowe, Saraakiil kasocotay Madaxtooyada Puntland, Hay’adda Wadooyinka Puntland, iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda UNPOS ayaa ka dhacay Xafiiska Duqa Caasimada Puntland ee Garowe.

Kulankan oo horu dhac u ahaa Mashriic Muhiim u ah Caasimada Dawlada Puntland ee Garowe oo iskugu jira Wadooyin, Buundooyin iyo Kanaalada qaada Biyaha Wasakhda ah iyo kuwa roobka, ayaa waxaa shir gudoomiyey Duqa Caasimada Maxamed Xassan Ciise Goodir, wuxuuna ugu horayn u Mahadceliyey Banka aduunka iyo UNPOS oo iska kaashanaaya fulinta Mashruucan, wuxuuna tilmaamay inay Mashaariicdan wax weyn ka badeli doonaan muuqaalka Caasimada, ayna u suurta gelin doonto inay la tartanto Caasimadaha dhigeeda ah.

Duqa ayaa Dawlada Puntland  ku amaanay sida ay uga go’an tahay Horumarinta Caasimada, isagoo sheegay inay Xukuumadu kaga dhabaysay balanqaadkeedii Horumarinta magaalooyinka iyo kabaayasha dhaqaalaha, Gudoomiye Goodir ayaa u balan qaaday Masuuliyiinta ka socotay Hay’ada UNPOS inay mashaariicdan ku fuli doonaan si nabada.

Agaasimaha waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Puntland Cabdiqani dhaashane ayaa isaguna sheegay inay mashaariicdan qayb ka yihiin balan qaadkii Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, “waxayna mashaariicdan muujinayaan inay Dawladu kaga dhabaysay balan qaadkeedii Horumarinta Kabaayasha Dhaqaalaha Puntland iyo Bilicda Magaalooyinka” ayuu yiri Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada.

Agaasime Dhaashane ayaa intaa ku daray inay Mashaariicdan iminka laga fulinaayo Caasimada ay horu dhac u yihiin mashaariic kale oo waaweyn oo ay Dawladu ku horumarinayso Dalka.

Agaasimaha Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa dhankiisa balan qaaday, inay Maamulka Degmada kala shaqayn doonaan sidii Caasimada looga dhisi lahaa Wadooyin si aada u horumarsan.

Masuuliyiintii ka socotay Hay’adda UNPOS ayaa sheegay inaysan mashaariicdani noqon doonin kuwii ugu horeeyey ee laga hirgeliyo Caasimada Garowe iyo guud ahaan Puntland balse ay horu dhac yihiin, waxayse tilmaameen inay wax walba ku xirnaan doonaan sida mashaariicdan loo fuliyo, sida nabad galyada.

Mashaariicdan ayuu Banka Aduunku ka fulinayaa sadex Magaalo oo waaweyn oo kala ah Garowe,Hargeysa iyo Muqdisho, waxaana lagu wadaa inuu Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali gaas oo dhawaan si rasmi ah u daah furo.

Dawlada Puntland ayaa Banka Aduunka la gashay heshiis ay Puntland kaga fulinyaan mashriic kala duwan oo iskugu jira tayeynta shaqaalaha Dawlada, Horumarinta ka bayaasha dhaqaalaha, Hagaajinta Bilicda Magaalooyinka iyo mashaariic kale oo dhawra.

IMG_0429

IMG_0428

IMG_0444

IMG_0434

IMG_0430

IMG_0429

IMG_0438

IMG_0447

IMG_0452

IMG_0451

PUNTLAND POST