Ciidamada Badda Talyaaniga oo Badbaadiyay Dad Tahriibayaal ah oo doon la degtay

Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen intii badneyd tahriibayaashii saarnaa doonida shalay ku degtay bada u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay doonidan gadoontay oo la sheegay inay saarnaayeen in ka badan 560 qof.

Markab lagu magacaabo Bettica ayaa u daadiyay tahriibayaashan oo badda ku wada dhacay jaakadaha lagu dabaasho halka markab kalana uu u direy doomanka wax badbaadiya.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dad gaaraya lix kun oo doonayay inay galaan qaarada Yurub waxaa laga soo  badbaadiyay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga.

Hay’adaha gargaarka ayaa ku tilmaamay marinka u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga inuu yahay kan ugu badan ee ay dadka ka soo galaan qaarada Yurub tan iyo markii Midowga Yurub uu heshiis la gaaray dowlada Turkiga taasoo lagu xadiday tirada ka soo gudbaysa badda Aegeanka ee soo gaareysa dalka Giriigga.

D1

D2

D3

D4

D5

PUNTLAND POST