Mareeyihii Shirkadda Somtel ee Gobalka Mudug oo Gaalkacayo lagu diley

Allaha u naxariite Sawirka Eng Cumar Dheere
Allaha u naxariite Sawirka Eng Cumar Dheere

Gaalkacayo(Puntland Post)-Waxaa Salaadii Maqrib kadib gaarigiisa lagu dhex dilay Allaha u naxariistii Cumar Cabdulle (Cumar Dheere) oo kamid ahaa indheer garadka Gobalka Mudug, ahaana Mareeyihii Shirkada Isgaarsiinta Somtel ee Gobalkaas.

Cumar ayaa ahaa shaqsi si aada looga tixgeliyo  Gobalka Mudug iyo Guud ahaan degaanada Puntland waxaana falkan siweyn uga naxay Guud ahaan Bulsha weynta reer Puntland, Iyagoo Ciidamada Amniga ka dalbanaaya in lasoo qabto danbiilayaashii falkan argagixisanimo geystay.

Ma jirto illaa hada Cid sheegatay Dilka Eng Cumar Dheere, lamana xaqiijin karo kooxihii soo qoshayey mase ahan dil qorshaysan kii ugu horeeyey ka dhaca Magaalada Galkacayo.

Mid kamid ah Saraakiisha Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la hadlay Puntland Post ayaa si aada u cambaareeyey kooxihii falkan soo maleegay, Isagoo Dawlada iyo Laamaha Amniga ka codsaday in lasoo qabto danbiilayaasha falkan geystay si sharciga loo mariyo.

Inaa Lilaahi Wa Inaa ilayhi raajucuun

Puntland Post